|

Askari Mareykana oo shacab isugu jira Dumar iyo Caruur ku laayay Afgaanistaan

 Panjwai Mar 11,2012(SDN)-Mid ka mid ah askarta Nato ee ku sugan koonfurta Afgaanistaan ayaa maanta 16 ruux oo u badnaa Caruur iyo Dumar ku laayay dalkaasi.

Madaxweynaha Afgaanistaan Xamid Karzi ayaa sheegay in askerigu laayay 3 Dumar ah iyo 11 Caruur ah.

Mr Karzi ayaa xasuuqan ku sheegay in uu ahaa khaarijin,isla markaana Mareykanka ka dalbaday sharaxaad.

Dhacdadan ayaa la hubaa ay sii xumeyneyso xiriirka ciidamada NATO  iyo  shacabka dalkaasi.

Ku-xigeenka taliyaha ciidamada NATO  Lt.-Gen. Adrian Bradshaw ayaa sheegay in uu raali gelin buuxda ka bixinayo falkani,balse aan ka hadal tirada dadka halkaa ku geeriyooday.

SDN-Panjwai

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed