Askari Mareykan ah oo Buug ka qorey hawgalkii lagu dilay Osama Bin Ladin
Washington Aug 25,2012(SDN)-Mid ka mida askartii toogatay Osama Bin Ladin sanad ka hor ayaa waxa uu daabacay buug looga warbixinayo hawgalkii lagu dilay hogaamiyihii Al Qaacida ee mudada dheer Mareykanku baadi goobayay.
Askarigan oo aan magaciisa la sheegin ayaa xogta uu ka daabacay hawlgalkaasi waxa dhawaaq dheer uga biyo diiday aqalka cad ee Mareykanka looga taliyo.
Askariga xogtan daabacay ayaa laga yaabaa in uu maxkamad ciidamn ku muteysto xogtan uu daabacay oo ay dhici karto in ay khatari ka dhalato.
Ciidamada Mareykanka ee hawlgalka ku toogtay Osama ayaa ahaa qaar hawgaladooda aaney cidi faahfaahin ka bixin ebid.
Sababo la xiriira amaankooda iyo ka reerahooda,waana markii ugu horeysay ee si faahfaahsan looga warbixiyo ciidamada iyo mid ka mida hawlgaladooda.
Askariga buugan daabacay ayaa sida ku qaran buuga waxa uu ka mid ahaa ciidankii la socday mid ka mida duyuuradii dhacay ee hawlgalka khatarta geliyay.
Buuga ayaa lagu wadaa in la soo saaray bisha September ee inagu soo fooleh 11keeda.
SDN-Washington
contact@somalidiasporanews.com