Askari ka tirsanaa ciidamada Mareykanka oo la xidhay ka dib kolkii lala xidhiidhiyay Shabaabka
Maryland Jan 09,2012(qurbejoog.com)-Askadhi hore uga tirsanaa ciidamadam Mareykanka ayaa maanta Maryland lagu qabtay ka dib safar uu uga soo noqday qarada Africa.
Denbi baareyaasha Maryland ayaa sheegay in Craig Baxam oo 24 jir ah la qabtay maalinimadii Jimcaha ee ina dhaaftay,ka dib kolkii lagu tuhmay in uu damacsanaa in uu taageero u fidiyo kooxda Al Shabaab.
Denbi oogeyaasha dawlada Mareykanka ayaa sheegay in Baxam uu ka dhoofay Mareykanka bishii ina dhaaftay ee December isla markaana lagu xidhay Kenya ka dib kolkii looga shakiyay in uu ku socday Somalia si uu ugu biiro Shabaabka.
Askadhigan oo ciidamada ka tirsanaa sanadihii u dhexeeyay 2007dii ilaa 2011,isaga oo ka soo hawlgalay dalalka Ciraaq iyo Kuriya.
Hadii denbigan lagu soo oogay lagu helona waxa dhici karta in uu muteysto 15 sanadood oo xadhig ah.
Qurbejoog-Maryland
contact@somalidiasporanews.com