|

Askari ka Tirsan Ciidamada AMISOM oo ku Geeriyooday Qarax ka dhacay Baydhabo iyo Kuwo ku dhaawacmay

Baydhabo 29.June (SDN) Hal askari oo ka tirsan AMISOM ayaa ku dhintay laba kalena dhaawacyo kala duwan ayaa kasoo gaaray Qarax ay gaadiid ay wateen ciidamada AMISOM lagula beegsaday Maanta  bartamaha Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay.
Qaraxan oo ahaa miino dhulka lagu aasayay ayaa waxaa sidoo kale ay kasoo gaartay khasaare dhaawacyo ah dad shacab ah oo ku sugnaa goobta uu ka dhacay oo ahayd Suuqa Afar Irdoodka Baydhabo.

“Ciidamada AMISOM oo goobta maraya ayaa waxaa dhacay qarax weyn, mid ka mid ah askarta ayaa ku dhintay, laba kalena way ku dhaawcmeen, sidoo kale 6-qof oo shacab ah ayaa iyaguna dhaawacyo kala duwan ay kasoo gaareen”  ayuu yiri mas’uul ka tirsan maamulka Gobolka Bay.

Mas’uulkan ayaa sheegy in dhowr qof loo qabqabtay weerarkan Miino oo ahaa midka laga hago meelaha fog-fog, isagoo xusay in dadkaas qaarkood la hayo halka kuwo kalena lasii daayay markiiba,

Qaraxan ayaa wuxuu qalqal iyo cabsi geliyay dadkii ku ganacsanayay suuqa afar irdoodka, iyadoo markiiba ay xirmeen goobaha ganacsiga, inkastoo dib loo furay markii xaaladdu ay degtay.

Goobjoogayaal ku sugan Baydhabo ayaa sheegay in weerarkan uu qayb ka yahay Weeraro dhawaanahan lala beegsanayay ciidamada AMISOM ee ku sugan Magaaladaas, kuwaasoo isugu jiray weeraro toos ah iyo kuwo sidan oo kale ah.

AMISOM kama aysan hadlin Qaraxa khasaaraha u geystay ciidamadooda ee lagula eegtay Maanta Magaalada Baydhabo oo ka mid ah magaalooyinka ay Gobolka Bay kaga sugan yihiin ciidamada Midowga Afrika, kuwaasoo ka socda dalalka Uganda iyo Burundi.

Dhanka kale Wararka laga helayo Gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan inuu dagaal Maalintii labaad ka socdo Deegaan lagu Magacaabo Buur-haybo oo dhinaca Waqooyi-galbeed kaga beegan Degmada Buur-Hakaba una jira 40-km qiyaastii.

Inkastoo aan la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee dagaalkaas ka dhashay ayaa wuxuu yimid kadib markii ciidamada DF ee ku sugnaa Gobolka Bay ay weerar ku qaadeen fariisimo ay Al-shabaab halkaas ku lahayd.

Wararka Hordhaca ah ee dagaalka laga helayo ayaa waxay sheegayaan inay ku dhinteen 10-qof oo isugu jira dhinacyadii dagaalamay iyo dad rayid ah oo ku noolaa deegaankaas, uuna weli si xoogan halkaas uga socdo.

Baydhabo SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed