Askari Ganacsade Caan ahaa Toogasho Ugu Geystay Degmada Qotton iyo Madaxweyne Siilaanyo Iyo Hoggaanka Mucaaridka Oo Tacsi u Diray
Hargeysa:Mar,23,2015(SDN/QJ)-Askari katirsan Ciidanka Ilaalada Bar Kontarool oo ku taalla Gudaha Magaalada Qotton ee Gobolka Daad-madheedh, ayaa Toogasho ku dialy Allaah Haw U Naxariistee Marxuum Xuseen Maxamuud Cawaale (Gacmadheere) oo ka mid ahaa ganacsatada xoolaha dhoofisa dalka, isla-markaana caan ka ah Somaliland.
Marxuumka oo ka mid ahaa wafti uu hogaaminayay Wasiirka Caafimaadka jamhuuriyadda Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed ayaa la sheegayaa in gaadhigii ay la socdeen oo ka dambeeyay waftigaasi uu rasaas ku furay askarigu halkaas uu ku qudh baxay rabbi naxariistii janno ha ka waraabiyee Marxuum Xuseen Maxamuud Cawaale (Gacmadheere).
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa dhambaal tacsi ah u diray eheladii uu ka baxay marxuumku.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi u dirayaa, Qoyskii, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariitee Marxuum Xuseen Maxamuud Cawaale (Gacmadheere) oo ku geeriyooday Maanta (shalay)22/03/2015, gobolka daadmadheedh, kana mid ahaa Odayaashii ka soo shaqeeyey nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka, sidoo kalena ka mid ahaa ganacsatada dalka ee xoolaha dhoofiya.
Madaxweynuhu marxuumka waxa uu Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.” Ayuu yidhi madaxweynuhu.
Sidoo kale Guddoomiyaha Xisbiga Wadani ahna guddoomiyaha Golaha Wakiilada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa isna shacabka iyo eheladii uu ka baxay ka tacsiyadeeyay Marxuum Xuseen Maxamuud Cawaale (Gacmadheere) .
Waxa uu ilaahay uga baryay in uu marxuumka naxariistii janno ka waraabiyo eheladii iyo qaraabadii uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.
Murashaxa Jagada Madaxweynenimo ee Xisbiga UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo la soo xidhiidhay Hadhwanaagnews ayaa marxuumka ilaahay uga baryay in uu naxariistii janno ka waraabiyo, ehelada, qaraabada iyo shacabkana ka tacsiyadeeyay.
SDN/QJ