Askar Ka Tirsanayd Ciidamada Puntland Oo Ku Geeriyootay Qarax lagula Eegtay Duleedka Galgala
Galgala:Dec,12,2014(SDN/QJ)-Qarax xooggan oo shalay gelinkii dambe ka dhacay Waddo ku taalla Deegaanka Galgala ee Maamulka Puntland, ayaa waxa ku naf waayey saddex kamid ahaa ciidanka Daraawiishta Puntland, iyadoo tiro kalena ku dhaawacmeen.
Qaraxu wuxuu ka dhashay miino kuwa dhulka lagu aaso ah sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen qaar ka tirsan saraakiisha ciidamada daraawiishta Puntland.
Askarta dhaawaca ah oo qaarkood xaaladoodu halis tahay waxaa lagu dabiibayaa isbitaalka guud ee degmada Boosaaso.
Mas’uuliyiinta laamaha amniga Putland way ka gaabsadeen inay weerarkaas ka hadlaan, sidoo kale ma jirto cid ilaa iyo hadda mas’uuliyadda qaraxaas sheegatay.
Al-shabaab oo marar badan iyaga iyo ciidamada ammaanka Putland dagaallo khasaare dhaliyey ku dhex mareen buuraleyda Golis ayaa hore u sheegatay mas’uuliyadda qaraxyo caynkan oo kale ahaa.
Weerarkani wuxuu noqonaya kii ugu horreeyey ee khasaare geysta ee halkaas ka dhaca laga soo bilaabo markii ciidamada Putland bishii October ee lasoo dhaafay Al-shabaab kala wareegeen fadhiisimii ay ku lahayd tuulada Galgala iyo deegaanada hoos taga.
December 2, 2014 markaasoo Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas iyo wafdi uu hogaaminayaa booqdeen fadhiisimaha ciidamada ee Galgala, waxaa lagu soo duqeeyey rasaasta hoobiyaha inkastoo aanay wax khasaare ah geysan kuna dhacday meel waxoogaa u jirta goobta wafdigu xilligaas ku sugnaa.
SDN/QJ