|

Asaraarka Ku Duugan Buuga Sannadka 2018 ee Cadho iyo Dab ee Gilgilay Madaxweyne Donald Trump Waxaa Turjumay Kamaal A.Cali Qaybtii 2aad

Washington 14. January 2018 (SDN/QJ):-Madow badani kuma jiro sababta keentay qoraalka buuggan. Isla markii 20kii Bishii Koowaad ee 2017 ka loo dabbaaldegeyey caleemasaarka madaxweyne Trump, waxa uu Maraykanku dhex muquurtay duufaantii siyaasadeed ee aan caadiga ahayn ee ugu darnayd, ugu yaraan intii ka dambaysay fadeexaddii ‘Watergate’.

Markii maalintan [Caleemo saarka] la gaadhay waxa aan isu diyaariyey in aan sheekadan uga sheekeeyo sida ugu suurtagashan, ee aan goobjooge ugu ahaan karo marka ay dhacayso, iyo in aan isku dayo in aan arko nolosha Guriga Cad ee Trump sida ay tahay, aniga oo xogta ka helaya dadka ugu dhow.

Dhacdooyinka qaar aan caadi ahayn, waxaa marka hore loo sawirtay in ay ku eeg yihiin boqolka maalmood ee ugu horreeya maamulka Trump.

Waa waqtiga caadi ahaan lagu fahmo madaxweynenimada. Laakiin dhacdooyinkii si aan kala joogsi lahayn ayaa ay isaga sii socdeen in ka badan laba boqol oo maalmood. Waxa ay wax caddaadeen isla bilowga shaqadii ugu horreysay ee Trump, markii uu dabayaaqadii bishii toddobaad, madaxa shaqaalaha Guriga Cad u magacaabay janaraalka hawlgabka ah ee John Kelley, iyo markii uu saddex toddobaad uun kadib, xilkii iska casilay madaxii Istaraatijiyadda Guriga Cad Stephen Bannon.

 

Dhacdooyinka aan buuggan ku sheegayaa waxa ay ku salaysan yihiin sheekaysi muddo Siddeed iyo Toban bilood ah na dhex maray madaxweynaha iyo inta badan ee xubnaha ugu sarreeya shaqaalihiisa, oo qaarkood daraasiin jeer ila hadleen iyo sida oo kale dad ay masuuliyiintaasi u sheekeeyeen oo aniga ii sii warramay.

Waraysiga ugu horreeyey waxa uu dhacay ka hor intii aanan malaynin sida uu noqon karo maamulka Trump ee Guriga Cad, iskaba daa in aan buug ka qoro ‘e. Dabayaaqadii bishii shanaad ee 2016 kii, annaga oo joogna gurigiisa magaalada Beverly Hills, ayaa Trump – oo markaas murashax ahaa, waxa uu murdinayey litir badhkii oo ah jallaataha ay samayso Haagen-Dazs oo noociisu ahaa Faniilla (Vanilla), isaga oo iska faraxsan ayaa uu si macne darro ah uga aragti dhiibanaya mawduucyo ciiddaas ka badan, halka gacanyareyaashiisa, Hope Hicks, Corey Lewandowski iyo Jared Kushner [Wiilka uu soddogga u yahay] ay marna qolka soo geleyeen marna baxayeen.

Waxaa socday sheekooyin dhex maraya xubno ka socda kooxda la doonaysay in ay Trump uga dhex ol’oleeyaan shirweynaha xisbiga Jamhuuriga ee ka qabsoomayey Cleveland, waqtigaas oo ay weli adkayd in la filo suurtagalnimada in Trump la doorto.

 

Markaa kaddib, waxa ay u soo guureen sarta Trump, iyada oo uu la socdo ninka hadalka badan ee Steve Bannon – oo doorashada ka hor u muuqday majaajillayste aan caadi ahayn, doorashada kaddibna u muuqday shaqaale hawlkar mucjiso ah.

 

Maalmo yar kaddib, 20 kii bishii koowaad, ayaa aan boos u eeg mid joogto ah ka helay Waaxda Galbeed [Guriga Cad; qaybta uu ku yaallo xafiiska madaxweynaha Maraykanku), tan iyo maalintaasna waxa aan qabtay in ka badan laba boqol oo waraysi.

Inkasta oo ay xukuumadda Trump cadaawad u eeg in ay tahay siyaasad u dejisan, ka abuurteen warbaahinta, haddana waxa ay warbaahinta ugu furfuran yihiin si aan hore u soo marin Guriga Cad, inta la xasuusto waqtiyadan dambe. Bilowgii waxa aan raadiyey sidii aan galaangal illaa xad rasmi ah, ugu yeelan lahaa Gurigan Cad; waxa aan doonayey in aan xaalada ula socdo si aan la i dareensanayn, sida duqsi yar oo gidaarka ku dheggen.

Madaxweynaha laftiisuna fikirkaas waa uu dhiirrigeliyey. Laakiin, waxaa caqabad igu noqday, Gurigii caddaa oo noqday seereyaal kala xidh-xidhan, taas oo ka dhalatay iskudhacyo furan oo la kowsaday maalmihii ugu horreeyey ee xukuumadda, waxaa muuqatay in aanay cidina awoodi karayn in ay ii suurtageliso galaangalka aan rabay. Sida oo kalana ma’ay jirin cid odhan karaysay, “Bax”.

Sidaa awgeed waxa aan iska ahaa faduuli joogto ah, halkii aan ka noqon lahaa marti la casuumay – waa uun iska duqsigaas gidaarka ku dhegsan – Ma’ay jirin shuruuc la igu xidhay oo aan aqbalay, mana aan samayn wax ballanqaad ah oo la xidhiidha waxa ay tahay in aan qoro ama aanan qorin.

 

Qaar badan oo ka mid ah sheekooyinka ku saabsan waxa ka dhacay Guriga Cad ee Trump ayaa iska hor imanaya; wax badan oo ka mid ah qaabka uu Trump u dhigayo sheekada ayaa aan sal iyo raad lahayn. Khilafyadaas u dhexeeyey xubnaha sare ee Guriga Cad ayaa ahaa dunta asaasiga u ah isku xidhka buuggan.

Taasina waxa ay daciifinaysaa runnimada sheekadan, haddii aanay waaqaca laftiisaba ka hor imanayn. Mararka qaar  ayaa aan dadka ay arrintani khusayso fursad u siiyey in ay iyagu inoo sheegaan warka dhinacooda ah, aniga oo akhristahana u dhaafay in uu xukumo run iyo been midka uu u dhadhamayo. Marar kalana, warka oo si aad ah u soo noqnoqday iyo aniga oo ka helay ilo aan ku kalsoonaaday, awgeed ayaa aan sheekada u qoray sidii aan u arkay in ay run tahay.

 

Dadka ii warramay qaarkood waxa ay iigu sheekeeyeen  si aad u qotodheer,  annaga oo ku heshiinnay in aan u macaamilno sida buugaagta siyaasadda ee casriga ah, oo ah in isha warka laga helayaa ay noqoto markhaati aan la magacaabayn oo dhacdooyinka uga hadla si qaawan. Waxa sida oo kale aan xogtayda qaar ku helay waraysiyo aan la duubayn, aniga oo qofka aan warka ka helay ka ogolaanaya in uu i siiyo hadallo toos ah oo ku aaddan waxa dhacaya, isaga oo og in aanan qori doonin in sheekada uu ii sheegay.

Dad kale ayaa iyaguna ii warramay iyaga oo fahamsan in waxa ay waraysigan iigu sheegaan aan dadweynaha loo baahin doonin inta ka horreysa soo bixista buugga. Ugu dambayntiina dadka qaar ayaa si laab furan iigu warramay iyaga oo ogol in aan ka duubo.

 

Waxaa sida oo kale xusid mudan, caqabadaha warbaahinteed ee aan la kulmay intii aan la macaamilayey maamulka Trump, kuwaas oo badankoodu ku imanayey sababta Guriga Cad oo aan lahayn habraac rasmi, iyo waayoaragnimo la’aanta ka haysata mabaadii’da u taallay Guriga Cad.

Caqabadahaas [Iga hor yimi] waxaa ka mid ah; wax ka qabashada xogta aan marka hore cod ahaan u duubnayn, ama faahfaahinta dheeraadka ah wadatay ee ay noqotay in markii dambe si aan habaysnayn loo duubay; dad marka hore xogaha qaar si sir ah ii siiyey, oo haddana markii dambe si furan dadweynaha ula wadaagay, iyada oo sida muuqata, dhiirraday markii ay hadalkaas hore sir ahaan ii siiyeen kaddib; Marar badan oo ay soo noqnoqonaysay in marka sheekada la qorayo la mooganaado xuduudda isticmaal ee sheekada, (Inta ay ay tahay in la isticmaalo iyo inta laga tegeyo); Ilaha qaar oo aragtida ay aaminsan yihiin aad loo yaqaannay, sidaa awgeed ay maangal tahay in aan xogtooda la cuskan; xogaha qaar oo ah kuwo dawladdu sir ka dhigtay iyo dadka xogta ku siiyey qaarkood oo kolba dib ugu noqonaya sheekadii ay xanta kuugu sheegeen iyo sheekadii ay marka hore sida qotada dheer ugu gonda degeen, si ay wax uga beddelaan ama ugu daraan.

Meel kasta oo sheekadan ka mid ah oo ah hadalkii madaxweynaha, waxaa dhacaysay in si joogto aan daal iyo xakame midna lahayn ah, uu si furan iyo si gaar ahba dadka kale uula wadaagayey, maalin kasta, oo marmarka qaarkood ah sidii uu anigana iigu yidhi.

 

Wax kasta oo ay sababtu tahayba, qof kasta oo aan la xidhiidhay – Xubnaha sarsare ee shaqaalaha Aqalka Cad iyo sida oo kale goobjoogeyaal daacad ahaa – dhammaantood waxa ay i siiyeen waqti aad u badan, waxa aanay dadaal weyn u galeen sidii toosh loogu ifin lahaa dabeecadaha gaarka ah ee nolosha Aqalka Cad ee Trump. Ugu dambayntii, waxa aan arkay, iyo waxa uu buuggani ka hadlayaa, waa koox dad ah [Shaqaalaha Guriga Cad] oo mid kastaa dadaalayo, mid kastaa sida isaga la quman uu u dadaalayo, si uu ula qabsado u shaqaynta Trump.

Dhammaantood abaal baan u hayaa.

Gogoldhig

Ailes iyo Bannon

 

Waxa ay ahayd fiidadow lixdii iyo badhkii ay saacaddu tahay, laakiin Steve Bannon, oo si lama filaan ah uga mid noqday ragga dunida oo dhan ugu awoodda badan, oo imikiyo si aad iyo aad u yar u daneeya caqabadaha waqtiga, ayaa daahay. Bannon waxa uu ballanqaaday in uu yimaaddo casho oo ay noo sameeyeen saaxiibbo aanu wadaagno, oo ka dhacaysay guri ku yaalla degmada Greenwich Village, si aanu ula kulanno Roger Ailes oo ahaa madaxii hore talefishanka Fox News iyo xubinta ugu muhiimsan warbaahinta dhinaca midigta, marna ahaa hanuuniyaha Bannon.

 

Maalintii labaad, 4tii Bishii koowaad, 2017 – Laba toddobaad iyo maalmo kooban ka hor caleemo saarkii saaxiibkii Donald Trump – Ailes oo geli doona hawlgab qasab ah, laakiin uu filayo in uu ka soo noqon doono, ayaa tegi doonaa magaalada Palm Beach.

 

Waxaa jirtay cabsi ah in baraf da’o, sidaa awgeed markii hore shaki ayaa galay in cashadan la isugu iman doono. Lix iyo toddobaatan jirka Ailes, oo muddo dheer wax ka qabay lug iyo misig, ayaa ay adkayd in uu soo socdo, oo isaga iyo xaaskiisa Beth inta ay ka yimaaddaan gurigiisa Hudson ay u soo socdaan Manhattan. Waxa ay cabsidu ahayd jidadka siibashada badan. laakiin Ailes waxa uu u aad ugu mustacajil ahaa in uu arko Bannon. Gacanyaraha Bannon Alexandra Preate, ayaa si joogto ah farriimaha talefanka gacanta ka soo diraysay hadba halka uu marayo xaalka Bannon oo joogay sarta Trump, doonayeyna in uu ka soo baxo si uu kulankan cashada ah u yimaaddo.

 

In kasta oo ay kooxdan kooban ee casuumadda fadhiday wada sugayeen Bannon, haddana cidda caawadan leh ee la casuumayey waxa ay ahayd Ailes. Isaga oo sida dadkii kale ee casuumadda joogay, ula yaabban guusha saaxiibkiisii qaddiimiga ahaa ee Trump, ayaa uu Ailes dadkii siiyey wax aad mooddo siminnaar yar oo ku aaddan foolximada iyo macnadarrada siyaasadda.

Intii aan la bilaabin talefishanka Fox News sannadkii 1996 kii, Ailes waxa uu muddo soddon sano ah, ka mid ahaa hawlwadeennada siyaasadda ee hormuudka ka ahaa xisbiga Jamhuuriga.

Aad ayaa uu ula yaabbanaa doorashadan, haddana waxa uu weli sababayn karayey, sida ay isugu midka yihiin Nixon iyo Trump. Keliya waxa aanu hubin, sida uu sheegay, in Trump oo isagun marar kala duwan Jamhuuri ahaa, mar madaxbannaanaa, marna xisbiga dimuqraaddiga ahaa, uu guusha u gaadhi karo.

Waxa uu weli isu qabay in uu garanayo Trump, waxaana sida ay dadkii kale oo dhamiba u haysteen, waxa aanu u hammuum qabay in uu geysto wixii caawimo looga baahdo. Waxa kale oo uu aad u doonayey in uu dib ugu soo noqdo warbaahintii siyaasadaha midigta xiga u janjeedhay, si tamar iyo firfircooni badani ka muuqato ayaa aanu u sharraxayey suurtagalnimada in uu heli doono lacagta Halka bilyan ee doolar ah ee uu ku qiyaasayey in ay u furi doonto talefishan cusub.

 

Labadan ninba, waa Ailes iyo Bannon e’ waxa ay jeclaayeen in ay isu muujiyaan arday taariikhda wax ka barata, labaduba waxa ay qayb ahaan is bareen aragtiyaha cilmi ee caalamiga ah ee la xidhiidha.  Xidhiidh shakhsi ah ayaa ay la lahaayeen taariikhda, iyo sida oo kale Donald Trump.

 

Imika, si kasta ha uga gawsqabsado e’, Ailes waa uu fahansanaa in ugu yaraan waqtigan la joogo, uu ahaa kii xiddiga garabka midigtu, uu saaran yahay Bennon.

 

La soco………….

Qaybtii Kowaad ee Buugan Halkan Hoose Ka Akhri

Buug Dunida Oo Dhan Xiise Geliyey ee Cadho Iyo Dab ee Ka Qaylisiiyey Madaxweyne Donald Trump Waxaa Turjumay Kamaal A.Cali

Comments are closed