|

“ArrintanLafteedu Waxay Muujinaysaa, Xisbiga KULMIYE In Badbaadadiisu Tahay Xildhibaan Kijaandhe+ Hanka Murashax ee Kijaandhe” Suldaan Cumar Suldaan Maxamed DAAWO

Hargaysa 03.Oct 2015 (SDN/QJ)- Suldaanka guud ee gobolka Hawad Suldaan Cumar  Suldaan Maxamed Suldaan Faarax, ayaa taageeray musharaxnimada madaxweyne ee Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe oo ku dhawaaqay inuu yahay Musharax xisbiga KULMIYE.

Suldaan Cumar oo hadal ka jeedinayay munaasibada Hargeysa lagu qabtay oo Xildhibaan Kijaandhe ku shaacinayay Musharaxnimadiisa ayaa waxa uu ku dooday in musharaxnimada Kijaandhe xal u noqonayso loolanka KULMIYE

Geesta Kale Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe Waxa uu Madashaa kaga dhawaaqay inuu u Taagan yahay Murashaxa Madaxweyne-nimo ee Xisbiga Kulmiye Marka uu qabsoomo Shirweynaha Golahiisa Dhexe oo ku astaysan Bisha November 10-keeda Isaga oo sheegay inuu Yahay Aasaasayaashii Xisbiga Kulmiye.

Comments are closed