|

“Arrintani Waxay U Muuqanaysaa inqilaab, Maadaama Xukuumad Dhan Ragii Ugu Awooda Badnaa Is Casileen” Boqor Buur Madow

Hargaysa 27.Oct 2015 (SDN/QJ):- Boqor Cismaan Buurmadow ayaa ka hadlay iscasilaadii dhawr iyo tobanka masuul eek a tegay shaqadii ay xukuumadda u hayeen.Buurmadow oo dhacdadaa ka hadlayaana wuxuu yidhi; “Horta aad iyo aad baan uga xumay inay wasiiradani iscasilaan, ragani waa rag dalka wax badan u soo qabtay oo ay Taariikhdu xusi doonto. Runtii waxaynu odhan karnaa arrinku wasiirada oo qudha maaha, waxaynu odhan karnaa waa qayb ka mid ah xisbigii kulmiye iyo xukuumadii oo is-casilay, marka fashilaada timi.. waxan xukuumadda iyo xisbiga uga tacsiyadanayaa burburka ku yimi kumana faraxsani. Maanta ma fududa ku dhawaad 20 wasiir inay is-casilaan oo waa giraantii xukuumadu ku wareegaysay, laakiin maxaa loo baahan yahay in looga gudbo,   maxaa talo laga bixinayaa, maxaa xukuumadda la gudboon”

Boqor Buurta MadowBoqor Buurmadow wuxuu intaa ku daray oo uu yidhi;“Madaxweynaha umad badan baa la soo halgantay, oo magacaabidu magacabaybaa laftigeedu caddaalad may ahayn oo raggii la soo halgamay markii laga qaadanayay caddaalad may ahayn. Laakiin nasiib ayay u heleen in iyaga la magacaabo. Shalay isagoo war lagu farxay ka soo baxay oo xisbigii heshiyay oo kaadhadhkii wadda qaateen inuu yidhaahdo xalay (habeen hore ) cidaasan dhabarka taabtay oo halka degdeg baa ka muuqadda.”

Wuxuu intaa ku sii daray oo uu yidhi;“ Qoladan wasiirada ahi laftigooda dawladda ay la soo shaqeeyeen ee ay taariikhda ku lahayeen ee wax ka soo dhigtay, ilayn raga kamay fadilaynee waxay ahayd inay maanta dulqaad sameeyaan oo aanay degdegin oo ay madaxweynaha talo badan kula noqdaan oo aanay xisbiga iyo xukuumadda burburkeeda aanay ka shaqayn. Laakiin arrintani waxay u muuqanaysaa inqilaab, maadaama oo xukumad dhan oo ragii ugu awooda badnaa casileen, waxay u muuqanaysa” inqilaab  oo meel laga dhexdhexaadiyaa ma jirto, madaxweynuhuna iima muuqato inuu yeelayo, oo go’aan buu soo saaray uu leeyahay xafiisyadda ma gali karaan oo arrinku wuxuu u muuqada meel aanu madaxweynuhu tanaasuli Karin.”

Comments are closed