|

“Arrinka shaqo la’aanta dhalinyarada Jaamacadaha dhammeeyey waa aafo Qaran una baahan xal ka sarreeya tabobbarro la siiyo…” Guddoomiyaha gobolka Gebilay Mustafe-shiine

Gebilay 05.July 2015 (SDN/QJ)- Mashruuc lagaga hortagayo Tahriibka dhalinyarada Somaliland ku beegsadaan Qaaradda Yurub, ayaa la sheegay in Hay’adda IOM iyo Xukuumadda Somaliland iska kaashanayaan, ayaa lagu soo gebagebeeyey magaalooyinka Gebilay iyo Boorama.


Mustafe-ShiineMashruucan oo tabobbar lagu siiyey Afartan Dhalinyaro Jaamacadaha ka baxay ah oo bilaa shaqo ahaa, ayaa toban maalmood lagu barayey Xirfado lagu shaqeysto dhammaadkii bishii May labadaas magaalo.

Dhamaadka bishii May ee sannadkan Xafiisyada Hay’adda IOM ee Talyaaniga iyo Giriiga, ayaa shaaciyey in dhalinayaro gaadhaysa lix kun Soomaali ah tahriib ku galeen labadaas dal, kuwaasoo badankoodu yihiin dhalinyaro bilaa camal ku ahaa waddamadooda.


Mashruucan tabobbarka deg-degga ah oo wejigii labaad bil dabadeed la qaban doono, ayaa la sheegay inay ka qeybgeli doonaan lixdan dhalinyaro Jaamacadaha dhammeeyey ka tirsan si ay khibrad ugu helaan fursado lagu shaqeysto.


“Tallaabadani waa mid wanaagsan, laakiin mustaqbalka mashaariicdu waa inay ka jawaabaan baahida gudaha taalla. Arrinka shaqo la’aanta dhalinyarada Jaamacadaha dhammeeyey waa aafo Qaran una baahan xal ka sarreeya tabobbarro la siiyo.” Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha gobolka Gabiley Mustafe Cabdi Ciise (Mustafe-Shiine).


Dhaqaalaha Mashruucan oo kooban awgeed, ayaa la sheegay in 115 dhalinyaro bilaa camal ahayd oo Jaamacadaha dhammeeyey ka faa’iidaysteen tan iyo sannadkii 2013, isla markaana warbixin IOM soo saartay, ayaa lagu sheegay in boqolkiiba 67 dhalinyaradaa tabobbarrada qaatay shaqooyin ka heleen Wasaaradaha Xukuumadda iyo Shirkadaha madax-bannaan ee Somaliland.


Inkastoo dhalinyarada Jaamacadaha dhammeeyey u arkaan inay u jeellan yihiin khibrado ay shaqo ku helaan, haddana waxay werwer ka qabaan inaan Waxbarashadoodu u sahlin inay shaqo ku helaan, taasoo keentay in Xukuumadda Somaliland, Jaamacadaha dalka iyo Hay’adda IOM ka wada shaqeeyaan sidii xal loogu heli lahaa caqabadaha dhinaca shaqooyinka ee dhalinyarada Jaamacadaha dhammeeyey la kulmaan, loona bari lahaa Xirfado ay ku helaan shaqooyin.

Gebilay SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed