|

Aroosad U Dhalatay Morocco Oo Xafladii Arooskeeda Ku Furtay Aayado Qur’aanka Kariimka Ah !

Hargaysa 10. March 2017 (SDN/QJ):- Had iyo jeer waxa aad u wanaagsan guriga xallaasha ah ee lagu dhiso Ilaahay raalli ahaanshihiisa isla markaana laga fogeeyo macaasida iyo Dunnuubta, waxaanay dad badani aad u xiiseeyaan amase jeclaystaan in Arooskoodo laga heeso, balse waxa arrintaasi arrin ka duwan la yimid aroosad u dhalatay Dalka Morocco oo xafladii arooskeeda jeclaysatay inay ka akhrido Aayado Qur’aanka Kariimka ah, waxaanay ku akhriday Ayadahaasi cod aad u macaan oo qiiro galiyay oo ka Oohiyay Dadkii ka soo qayb galay xafladaasi.

Xaflada noocan ah ayaa waxa lagu soo bandhigay baraha bulshada waxaana aad loo hadal hayay qaabka iyo sida aadka u wanaagsan ee ay Aroosadani u akhriday aayadahaasi iyo sida wanaagsan ee aayadahaa barakaysan ay u qiro galiyeen ka soo qayb galayaasha, waxaana had iyo jeer aad u wanaagsan in marka guri la dhisayo lagu dhiso wax kastoo Ilaahay raalli galinaya si uu gurigaasi u noqdo mid waara oo Ilaahay barakeeyo.

Comments are closed