Ardeyda Gaadhisa oo isu soo baxyo rabshado wata sameeyay
Garisa Mar 07,2012(SDN)-Ardeyda magaalada Gaarisa ee gobolka Woqooyi Bari ee Kenya ayaa isu soo baxyo rabshado wato ka saameeyay magaaladaas ka dib kolkii la hakiyay shaacinta natiijo imtixaano ay dhawaan galeen.
Isu soo baxyadan ayaa waxa ka dhashay rabshado lagu bililiqeystay ilaa labaatameeyo meheradood oo halkaa ku yaal.
Sidoo kale dhalintan ayaa xidhay qaar ka mid ah wadooyinka magaalada badhtamaheeda mara.
Duqa magaalada Garisa Ismail Garath ayaa sheegay in ay dabagal ku sameyn doono sababta loo baajiyay shaacinta natiijada.
Heyada Imtixaanadka Kenya(KNEC) ayaan wax sharaxaada ka bixin sababta aaney ilaa iyo haatan u shaacin natiijooyinka Imtixaanaadka.
SDN-Garisa