Ardaydii Wax ka Baranaysay Dugsiyada Caasimada oo Maanta laga Fasaxay Waxbarashadoodii,Waa maxay Sababtu?
Hargaysa 08.Feb 2014 (SDN)- Maanta oo golaha wakiilada Somaliland ay u balansanaayeen quwado iska soo horjeeday oo la kala safan gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Md. Cabdiraxmaan maxamed Cabdilaahi Cirro iyo Xukuumadda madaxweyne Axmed maxamed siilaanyo ayaa baaqday kadib markii labaatan oday oo uu horkacayey gudoomiye ku xigeenka guurtiga Md. Siciid ay golaha wakiilada ka dalbadeen in loo hakiyo fahdiga si ay u galaan dhex dhexaadin.
Sida laga soo xigtay xildhibaanada golaha wakiilada ayaa waxaa la sheegayaa in golaha la keenay laba mooshin oo iska soo horjeeday oo ka koobaad ku saabsanaa sidii gudoomiyaa golaha wakiilada xilka looga tuuri lahaa oo ay wateen xildhibaano ka soo shidaal qaatay madaxtooyada, halka mooshinka labaadna ay wadeen xildhibaano mucaarid iyo muxaafidba isugu jiray oo ay ku dalbanayaan in madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo xil ka xayuubin lagu sameeyo maadaama ay jirto xil gudasho la’aan.
Dadka xogogaal u ah arintani waxay ku tilmaameen in madaxtooyada Somaliland markii ay ka war heshay in uu jiro mooshinka xil ka xayuubinta madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ay golaha guurtida ka dalbadeen inay dhexgalaan isla markaasna ay hakiyaan fadhigaas si waan waan loogu xaliyo arinta isla markaasna madaxweyne siilaanyo uga badbaado xil ka xayuubin lagusoo oogo.
Si kastaba ha ahaatee xukuumadda ayaa bilawday dagaalka ka socda golaha wakiilada Somaliland iyadoo si toos ah faragalin qaawan ugu samaysay, halka mudaneyaasha golaha wakiiladana wali laga dheehanayo isku duubni muxaafid iyo mucaaridba.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog