Ardayda Soomaaliyeed ee ANKAR oo hoggaan cusub yeeshay (Sawirro)
Ankara Nov 02, 2015(SDN/QJ)-Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata magaalada Ankara ee dalka Turkiga ayaa yeeshay hoggaan cusub, ka dib markii uu hoggaankii hore ee ardaydu xilligiisa dhammaystay.
Munaasabad ka dhacday Ankara oo ay kasoo qayb galeen mas’uuliyiin ka socotay safaaradda Soomaalida ee Turkiga, ardayda iyo dad kale oo jaaliyadda Soomaaliyeed ka tirsan ayaa waxaa lagu doortay guddoomiyaha cusub ee ardayda Soomaalida ee Ankara.
Doorashada guddoonka cusub ee ardayda inta aysan dhicin, waxaa munaasabadda ka khudbeeyay guddoomiyihii hore ee ardayda Soomaaliyeed ee Ankara mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur Bile.
Mudane Bile ayaa ka warbixiyay wixii u qabsoomay maamulkiisa intii uu isagu xilka haayay oo hal sano ahayd, wuxuuna muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay doorashada guddoomiyaha isaga beddeli doona oo uu ballan qaaday in uu si wacan ula shaqayn doono.
Intaas ka dib musharaxiinta u tartamaysa xilka guddoomiyaha ardayda Soomaaliyeed ee Ankara ayaa soo jeediyay qorshayaasha ay ku hoggaamin doonaan maamulka haddii ay doorashada ku guulaystaan, waxayna musharaxiintan kala ahaayeen Mustafa Maxamed Cali Caadle iyo Axmed Xassan Cumar Musharaf.
Dhagaysiga khudbadaha musharaxiinta ka dib, waxaa la billaabay cod bixinta doorashada oo uu si aqlabiyad leh ugu guulaystay Mustafa Maxamed Cali Caadle.
Mustaf Caadle ayaa Jaamacadda Yildirim Beyazit oo ku taalla magaalada Ankara shahaadada labaad ee Master-ka kaga diyaariya culuumta siyaasadda iyo maamulka, waana shakhsi horay wax badan ugagasoo qayb qaatay shaqooyinka iskaa wax u qabsashada ee ay dhalinyarada Soomaaliyeed ugu adeegaan bulshada ku nool gudaha dalka.
Waxa uu Mustafa mudada sanadka ah ee soo socota u xil saarnaan doonaa hoggaaminta arday ay tiradoodu ka badan tahay 300 oo wax ka barta dugsiyada sare, iyo heerarka kala duwan ee Jaamacadaha.
Dad badan ayaa rumaysan in hoggaamintu aanay kala duwanayn si kasta oo magacyada maamuladu ama heerarkoodu ay u kala geddisan yihiin, kumanasii jirto marka la hoggaaminayo arday wax ku baranaysa dal shisheeye, kuwaas oo had iyo jeer la kulmaya baahiyo wax barasho iyo kuwa nololeed oo dhammaantood fududayn uga baahan hoggaankooda.
SDN/QJ- Ankara