|

Ardayda Jaamacadaha Koonfur Afrika oo Dhigaya Bannaanbaxyo Rabshado wata

Johannesburg,22Oct,2015(QJ/SDN)-Ardayda wax-ka-barata Jaamacadaha waddanka Koonfur Afrika ayaa muddo toddobaad ah waxay wadaan banana-baxyo rabashado wata, kuwaasoo qaarkood beegsaday xarunta baarlamaanka ee ku taalla magalada Cape-town.

Shalay waxaana sidoo kale ardayda qaarkood is-horistaag ku sameeyeem howlihii wax-barashada jaamacadaha dalka, waxaana bannaan-baxayada ay wadaan ardayda ay isku bedeleen kuwo rabshado wata oo sababay in ardyada iyo ciidamada booliisku ay gacanta is-kula tageen.

Dibadbaxyadan ayaa la xariira diidmada ardayda jaamacaduhu ay uga soo hor-jeesteen qorshaha wasaaradda waxbarashada Koonfur Afrika, taasoo ay ku doonayso inay sare u qaaddo lacagaha lagu dhigto dugsiyada tacliinta sare iyo jaamacadaha dalkaas.

Wasiirka waxbarashada Koonfur Afrika, Blade Nzimande ayaa sheegay in 6% illaa 10% sare loo qaado lacagta lagu dhigto Jaamacadaha, taasoo ay kasoo hor-jeesteen ardayda iyo waliba xisbiyada mucaaradka ee waddanka koonfur afrika.

Mudaharaadkii shalay ka dhacay xarunta baarlamaanka ayaa sidoo kale waxaa ka qayb-qaatay xubno ka mid ah xisbiyada mucaaridka dalkaas oo banaanbaxa dhankooda uga jiray.

Sidoo kale, xiisada la xariirta qorshaha wasaarada waxbarashada wadanka Koonfur Afrika ayaa keentay in toddobaadkii hore qaar kamid ah iskuulada & jaamacadaha la xiro, iyadoo ay maalmihii lasoo dhaafay ay si joogto ah dibadbaxayada ardaydu wadaan u dhacayay, kuwaasoo ku faafay dalka oo dhan; waxaana xusid mudan in booliiska dalkaas oo qaaday taallabo xooggan ay ku joojinayaan banaanbaxa ardayada dhigayaan ay xir-xiraan arday badan.

Ugu dambeyn, madaxweynaha waddanka Koonfur Afrika, Jacob Zuma ayaa ugu baaqay maamulayasha jaamacadaha iyo kuwa dugsiyada sare inay burrito isku yimaadaan si xal loogu raadiyo bannaanbaxyada sii xoogeysanaysa ee ardayadu ay wadaan, kuwaasoo ka cabanaya lacagaha lagu kordhiyay jaamacadaha, iyadoo la filayo in lacaga lagu kordhinaya jaamacadaha hoos lo dhigo ama gabi ahaanba ay wasaraddu ka noqoto.

 

 

Comments are closed