Ardayda Jaamacada Hargaysa oo u fadhiisanaya Imtixaankoodii Sabtida soo Socota
Hargaysa 19.June (SDN) Guddoonka Jaamacadda Hargaysa ayaa maanta ku dhawaaqay in Ardayda Jaaamacaddu ay imtixaanka u fadhiisan doonaan maalinta sabtida ah ee 22-ka bishan June.
Gudoomiye ku xigeenka Jaamacada Hargaysa Maxamed Cali Dhuux oo maanta la hadlayey warbaahinta ayaa sheegay in jaamacadda ay dhigtaan shan kun oo arday oo u kala baxa sadex qaybood oo kala ah qaybta bilowga ah, qaybta dhexe iyo qaybta iminka qalin jebinaysa .
Md Cali Dhuux waxa uu sheegay in labada qaybood ee kala ah qaybta dhexe iyo qaybta Sinior-ka ee qalin jebinaysa ay imtixaanka u fadhiisan doonaan 22-ka bisha halka qaybta bilowga ahina ay muddo bil ah ka bacdi u fadhiisan doonaan imtixaanaadka.
Gudoomiye ku xigeenka jaamacaddu waxa uu tilmaamay in wax laga bedelay hanaankii hore ee gellitaanka imtixaanaadka isla markaana lagu gelayo ID-yo cusub, waxana uu la socodsiiyey ardayda in ay labada maalmood ee ka hadhay maalinta imtixaanaadka ay ku qaataan ID-yada cusub, ardaygii laga waayana aanu imtixaanka geli doonin
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com