Arday reer Somaliland ah oo Bilad kaga guulaystay Qalin-Jebinta Jaamacadda New Generation Addis Ababa iyo Qaybteeda Hargeysa oo lagu ammaanay xaflad loo qabtay (Daawo Sawirada)
Addis Ababa, August 25, 2012 (SDN)- Arday reer Somaliland ah oo magaciisa la yidhaahdo Cawil C/laahi Aaden oo oo ka mid ah 130 arday oo shalay ka qalin jebiyay Jaamacadda New Generation ee dalka Itoobiya ayaa ku guulaystay bilad ka dib markii uu kaalinta ugu saraysa ka galay imtixaankii qalin jebinta ee qaybta Human Resource Management ee Jaamacadaasi.
Xaflad balaadhan oo loo sameeyay 130-kan arday ee ka qalin jebiyay Jaamacadda New Generation oo lagu qabtay hoolka Midawga Afrika ee Magaalada Addis Ababa waxa ka qayb galay masuuliyiin iyo safiiro kala duwan oo Afrikaan iyo shieeye kaleba isku jira, oo ay ka mid yihiin wefti balaadhan oo uu horkacayo Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Boobe Yusuf Ducaale iyo weliba safiirka Somaliland ee dalka Itoobiya Aden Nuux Dhuule iyo Mulkiilaha Jaamacadda New Generation Qaybteeda Somaliland, C/Casiis Maxamed Yuusuf.
Jaamacadda New Generation College waxa la aasaasay sannadkii 2002-dii, isla markaana ay ka qalin jebisay dufcadii sagaalaad, waxay leedahay ugu yaraan afar xarumood oo saddex ka mid ahi ku yaalaan dalka Itoobiya halka qaybteeda afraadna laga furay magaalada Hargeysa ee xarunta dalka Somaliland.
Jaamacadda New Generation waxay bixisaa maadooyin kala duwan oo ay ka mid yihiin Political Sceince (Cilmiga Siyaasadda) Human Resource Management, computer Science, management information system, accouting finance iyo business administration. Waxaana tan iyo intii la aasaasay ka qalin jabiyay ilaa 12,625 arday oo ka kala yimid in ka badan 16 dal oo ku kala yaala qaaradda Afrika cidhifyadeeda.
Xarunta Jaamacadda New Generation ee magaalada Addis Ababa ayaa lagu naanaysaa diplomatic compus maadaama oo ay dhigtaan arday badan oo ka kala yimid wadamada Qaaradda Afrika iyo weliba kuwo kale oo ay dhaleen diblomaasiyiinta kale ee shisheeyuhu. Waxaanay caan ku tahay diversity day, african cultural day, ga kulmisana wadamada qaarada africa dhaqamadooda.
Waxaanay leedahay maalin u gaar ah oo lagu xuso, ahna meel lagu so hirto lana yidhaah mini africa,
haddaba munaasibadda qalin jebinta ee shalay waxay qiimo gaar ah u lahayd weftiga reer Somaliland ee ka qayb galay, sababta oo ah waxay munaasibadda ka wada qayb galeen masuuliyiin fara badan oo ka tirsan dawlada Itoobiya kana kala socda, wasaarada arimaha dibada iyo waxbarashada iyo weliba diblomaasiyiin fara badan oo ka mid ah safiirada wadamada Afrika u jooga magaalada Addis Ababa. Waxaana munaasibadani ku kulmay safiiro fara badan oo aan is-arki jirin iyo weliba madaxda Midawga Afrika ee xarunta dhexe.
Inkasta oo ay ardayda Jaamacadda ka qalin jebisay shalay ay ka kala yimaadeen wadamo badan oo ku kala yaala Qaaradda Afrika, haddana waxa ku jiray in ka badan 30 arday oo reer Somaliland ah oo ka kala qalin jebiyay qaybaha kala duwan ee waxbarashada Jaamacaddaasi.
Munaasibadda qalin jebintani waxa ka hadlay masuuliyiin iyo diblomaasiyiin aad u tiro badan oo aad u amaanay kaalinta ay Jaamacadda New Generation kaga jirto waxbarashada Afrika gaar ahaana Geeska Afrika.
Afhayeenka Midawga Afrika oo ka mid ahaa dadkii halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay ka qayb galkiisa xafladani ay ku qalin jebinayaan tirada badan ee ardayda reer Afrika. “Balaadhinta waxbarashada ee ay ku dhaqaaqday Jaamacadda New Generation waxay Afrika u horseedi kartaa in lagaga baxo jahliga, dagaaladda, abaaraha iyo dhibaatooyinka kale ee ka jira Qaaradda Afrika” ayuu yidhi Afhayeenka Midawga Afrika oo munaasibadaasi ka hadlay. Waxaanu intaasi ku daray tacsi uu u diray dalka iyo dawladda Itoobiya oo uu ugaga tacsiyadaynayo geerida ku timid ra’iisal Wasaarihii hore ee Itoobiya Meles Zenawi.
Waxa kale oo Munaasibadani ka hadlay masuuliyiin tiro badan oo uu ku jiro sarkaal u hadlay wasaaradda Arrimaha Debada ee Itoobiya waxaanu sheegay in marka laga yimaado naxdinta ka dhalatay geerida ku timid Ra’iisal Wasaarihii hore ee Itoobiya Meles Zenawi, haddana ay tahay wax lagu farxo inay tiro intan le’eeg oo dhalinyarada reer Afrika ahi ay ka qalin jebiyaan Jaamacadda New Generation oo ku talaabsan horumar la taaban karo, isla markaana ugu yaraan saddex xarumood amaba qaybood ku leh dalka Itoobiya kuwaasi oo kala ah NEKEMT CAMPUS, IYO METU CAMPUS, iyo HARGEISA CAMPUS.
Dhinaca kale, inkasta oo aanay Munaasibadaasi ka hadal, haddana waxa gudoonsiinta biladaha iyo shahaadooyinka lagu maamuusay Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Boobe Yusuf Ducaale. Waxaanu halkaasi wasiirka warfaafinta Somaliland ku gudoonsiiyay biladaha iyo shahaadooyinka ardaydaasi xarunta midawga Afrika ee magaalada Addis Ababa iyada oo xiisaha gaar ah ee ay lahayd uu ahaa inay arday reer Somaliland ahi ku jiraan, isla markaana middkood qaatay bilad ka mid ah biladihii halkaasi lagu bixiyay, kaasi oo noqonaya ardaygii labaad ee reer Somaliland ah ee bilad kaga guulaysta dhinaca waxbarada dalka Itoobiya.
Sidoo kalena furitaanka Jaamacadda New Generation ee magaalada Hargeysa ayaa fursad siin doonto boqolaal iyo kumanaan ka mid ah ardayda reer Somaliland ee aan awoodin inay Jaamacadaasi waxbarasho ugu doontaan Addis Ababa inay kaga faa’iidaystaan qaybteeda Hargeysa oo ay cilmigii Addis Ababa ay u tegi lahaayeen ka helaan gurigooda iyo Hargeysa.
Qurbejoog.com, Hargeysa
editor@somalidiasporanews.com