Aragtida Xukuumada Somaliland ee inay door ku leedahay Abuurka & Jiritaanka Argaggixisada & Musuqa
Nairobi 25.March 2015 (SDN/QJ) – Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa ku dooday inaanay dad argaggixiso ah oo dunida weerarro ka geysanayaa wax shaqo ku lahayn Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana waxa uu sheegay inaanu wakhtigan dalkiisa ka jirin mushkilad musuqmaasuq, balse wakhtigii Xukuumadihii hore Shacabku soo arkeen, xilliganna dedaalkoodu yahay cidhib-tirkiisa haddii la helo.
Wasiir Maxamed Biixi oo maalmo horteed socdaal shaqo ku tegay waddamo Ingiriisku ka mid yahay, ayaa sheegay inaanu jirin sabab loola xidhiidhin karo shaqsiyaad argaggixiso ah waxay ka soo jeedaan Somaliland falalkooda, wax shuqul ahna ku lahayn falal hoggaamiyahii hore Godane ama cid kale sameeyaan, dagaalna ka dhexeeyo dhammaan argagxisada meel kastoo ay joogto.
Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland waxa uu sidaa ku sheegay waraysi dhinacyo badan taabanaya oo uu la yeeshay Telefishanka KTN, Barnaamijkiisa Afrika Speak toddobaadkii hore, ayaa su’aalihii la weydiiyey oo qaar ka mid ah Himilo idiin soo turjumay waxay u dhaceen sidan:-
S: Wasiir sideed u aragtaa dareenka, maaddaama Madaxda Al-Shabaab badankoodu ka soo jeedeen Somaliland, isla markaana ay weerarradooda la beegsadaan dhammaan waddamada Geeska Afrika, marka laga reebo Somaliland?
J: Xaqiiqada, haddii ninkii geeriyooday ee Axmed Cabdi Godane ka soo jeedo Somaliland, macnaheedu maaha inuu lexejeclo ka qabay. Kooxaha argaggixisadu caqiidooyin kala duwan ayey aamminsan yihiin, mana qabo in waddan lala xidhiidhiyo. Somaliland shaqo ay ku leedahay dad argaggixiso ah oo weerarro ka geysanaya Adduunka ma jirto. Dalkayaga xasillooni ayaannu ka dhignay, jaararkayaguna sidoo kale, markaa dedaal weyn ayaannu ka qaadannaa adkaynta xasilloonida Adduunka.
S: Waddamada Adduunka mid walba caqabadihiisa ayuu leeyahay, sideed u aragtaa halista musuqmaasuqa iyo Budhcad-badeedka, marka laga hadlayo Somaliland?
J: Runtii, dhibaato musuqmaasuqu marna lagama sheegin Somaliland, badi hadalkaasi wuxuu ka taagnaa Soomaaliya. Sidoo kale Baddayada halista Budhcad-badeedku kama jirto, waxaannu leenahay Ciidan Xeebeed ku filan ilaalinteeda, wada shaqeyna la wadaaga beesha caalamka, dhab ahaan way jiri karaan Kalluumaysi sharci-darro ah Xeebahayaga, laakiin dedaalkayagu waa sidii loo joojin lahaa. Marka laga hadlayo musuqmaasuq Shacabka Somaliland laga yaabee inay hore u soo martay, laakiin waxaan isku deyeynaa inaan ogaanno hadduu jiro, welina ma aragno, mana jiro wakhtigan dhaqaale badan. Laakiin, marwalba waxaan diyaar u nahay la-dagaallanka musuqmaasuqa, waxa jirta Hay’adda maamul-wanaagga iyo la-dagaallanka Musuqmaasuqa.
S: Dalka Kenya waxay Xafiis ka furanayaan Somaliland, dhinaca dublamaasiyadda, miyaad filaysaa in Xafiiskaa Kenya ka dhigan yahay Aqoonsi?
J: Lama odhan karo aqoonsi furitaanka Xafiiskaasi. Labada waddan iskaashi ballaadhan ayaa ka dhexeeya, waxa jira Muwaaddiniin Kenyan ah oo jooga Somaliland, oo Ganacsiyo iyo hawlo kale ka qabta, sidoo kale waxa jira Muwaaddiniin Awoowyaashood ka soo jeedaan Somaliland Kenya. Markaa, muhiimadda Xafiisyada labada waddan is-dhaafsadeen waa fududeynta xidhiidhada Ganacsiga, maalgashiga, Ammaanka iyo arrimo badan oo aannu waddaagno, si loo sii adkeeyo weeye.
Nairobi SDN/QJ