|

Aragtida Xukuumada Somaliland ee doorka Itoobiya ku leedahay Dhaqdhaqaaqyada Suldaan Wabar DAAWO

Hargaysa 11.Feb 2015 (SDN/QJ)-  Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay doorka ay dawladda Ethiopia ku leedahay dhaqdhaqaaqyada Suldaanka Somaliland ka soo horjeestay ee Suldaan Abiibbakar Cilmi Wabar oo gudaha Itoobiya Malleeshiyaad isaga taabacsan oo hubaysan ku urursada, isla markaana duullaan Salaasadii ku soo qaaday Ciidanka Qaranka ee deegaanno ka tirsan gobolka Awdal ku sugan.

Sidaa waxa sheegay Wassiirka Wasaaradda Arrimaha dibedda iyo Xidhiidhka caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, waxaanu intaas ku daray oo uu ka arramay heerka ay marayso Siyaasadda dibeddu wakhtigan, gaar ahaan xidhiidhka siyaasadeed ee ay Somaliland la leedahay Ergayga Qaramada Midoobay u qaabbilsan arrimaha Soomaaliya Nicholas Kay iyo dawladaha Jabuuti iyo Itoobiya.

Wasiir Biixi oo maanta Warbixin siiyey Guddiga arrimaha dibedda ee Golaha Wakiillada Somaliland, kulankaas oo albaabbadu u xidhnaayeen markii uu dhammaaday waxa Shir Jaraa’id wada-jir u qabtay Wasiir Maxamed Biixi iyo Xubnaha Guddiga arrimaha dibedda ee Wakiillada oo Saxaafadda uga warramay waxyaabaha ay ka wadahadleen.

Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis waxa uu si adag u beeniyey warar la faafiyey oo sheegayey in Nicholas Kay nidaamka Federaalka ee Soomaaliya ka socda uu ku soo wado Somaliland ama uu rabo inuu Somaliland ka dhigo Maamul-goboleed hoos-taga dawladda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, Wasiir Biixi waxa uu beeniyey warar tibaaxaya in dhaqdhaqaaqyada Suldaan Abiibbakar Cilmi Wabar oo dhawaan ku dhawaaqay inay Somaliland ka soo horjeedo oo Itoobiya u tallaabay ay si toosa uga dambayso dawladda Itoobiya oo uu gudaha dalkeeda Malleeshiyo Hubaysan ku urursado, kuwaasoo shalay soo weeraray Fadhiisin Ciidanka Qaranka Somaliland ku leeyihiin Tuulada Qol-ujeed oo aan ka dheerayn xadka labada dal wadaagaan, kana tirsan gobolka Awdal ee dalka Somaliland.

 

Haddaba, Warbixinta Warka Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland iyo qodobbada uu ka hadlay-ba waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho Wacan:-

Comments are closed