|

Aragtida Xukuumada Somaliland ee Dilka Hogaamiyihii Ururka Alshabaab Axmed Cabdi Godane

Hargaysa 06.Sep 2014 (SDN/QJ)- Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay dilka Hoggaamiyihii Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaallanta Soomaaliya Axmed Cabdi Godane, kaasoo ay dawladaha Maraykanka, Soomaaliya iyo Kooxda Al-Shabaab-ba xalay xaqiijiyeen in lagu dilay Weerar diyaaradaha Maraykanka ee aan duuliyaha lahayni Isniintii inna dhaaftay ka fuliyeen gobolka Shabeellada hoose.

WARANCADE IYO TALIYAHAWasiirka arrimaha  gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa sheegay inay Somaliland caalamka la wadaagto aragtida ay ka qabaan mid la mid ah ka qabto, isla markaana ay soo dhawaynayaan qof kasta oo daallin ku sifooba in dunida laga qabto.

“Dilka hoggaamiyihii Al-shabaab halkaa Caalamku ka taagan yahay ayaanu ka taagan-nahay, Waxaana lagula jiray Dagaal, haddii Ninku dagaal ku jirana kolay dhimasho iyo geeri labadaba diyaar buu u yahay, Nin Walba oo daallin ahna in la dilaa Xaq weeye.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde oo maanta Xafiiskiisa magaalada Hargeysa kula hadlay Warbaahinta kala duwan ee dalka.

Axmed Cabdi Godane, ayaa ku dhashay magaalada Hargeysa, isla markaana ka mid ahaa xubnaha reer Somaliland ee aasaasay Xarakada Al-Shabaab, kaasoo noqday hoggaamiyihii ugu magaca dheeraa ee hoggaamiyaha Kooxdaas oo marka hore ahayd mid heer gobol ah, ka dibna gaadhay heer Qaaradeed iyo heer caalami-ba.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed