|

Aragtida Togan ee Madaxdii Waddani Ku Biirtay oo Soo Bandhigay Bisayl Siyaasadeed {Warbixin}.

Hargaysa 28.Nov 2014 (SDN/QJ)- Madax Xilal Heer Wasiir, Gudoomiye Gobol,Agaasimayaal, Iyo Maareeyeyaal ka soo qabtay Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo oo Shalay ku Biiray Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa bulshada u soo bandhigay Siyaasad ay ka dhex muuqato Qaangaadhnimo iyo Bisayl Siyaasadeed isla Markaana ay haboon tahay sidii loogu dhaqmi lahaa.

xertii WadaniSiyaasiyiintan oo sheegay inay yihiin Isbedel doon kana mid ahaayeen Wasiiradii Hore ee Arrimaha Gudaha,Warfaafinta,Boosaha, Xidhiidhka Golayaasha,Gudoomiyeyaashii Gobolada Togdheer iyo Daad madheedh ayaa Madashii Shalay waxay ku hanteen quluubta shacabka, Waxay jeexeen dariiq cusub oo ugub ku ah Saaxada Siyaasada Somaliland Waxay diideen in loogu yeedho Mas’uuliyiintii Xisbiga Kulmiye waxay isku koobeen Siyaasiyiin ka tirsanaa Xisbigaas balse haatan u soo digo rogtay Xisbiga Waddani kadib markii ay u arki waayeen inuu ka dhabayn karo himilada shacabka,Waxay si taxadir ku dheehan yahay isaga dhawreen in hadalo xanafi ka muuqato ay dusha uga tuuraan Xukuumadii ay mudada kooban ka maqnaayeen,marka ay sidaas yeelayeen waxay dareensanayeen in hadhow la odhan doono “ Ma Markii Xilka laga qaaday ayay Cadho hadlayaan”,Waxayse Tooshka ku ifeeyeen Qodobo dawlada iyo Xisbigeeduba ku fashilmeen, Waxay ku booriyeen Taageerayaasha Xisbiga Waddani in Ciidamada kala duwan ee dalka Wax dhibaato ku ah ku Kicin.

yyyyDhanka kale Telefishanka Xukuumadu Maamusho ayaa labadii habeen ee ka horeeyay qabsoomida Xaflada ku biirista Siyaasiyiintan Isbedel doonka ahaa Waxa uu ka sameeyay barnaamijyo qaab guracan u bogdooxay Xulashada Siyaasiyiintan ee marxalada mucaaridnimo,Waxay ahayd fariin Khaldan oo dawladu ku oof wareentay waxqabadkii mas’uuliyintani ku talaabsadeen Mudadii ay Xilalka qaranka hayeen.

Faafitaanka Telefishanka ee dhaleecayntani Waxay dadka tustay sida Xukuumadu aanay u Jeclaysan Tiro badan oo Wasiiro u soo ahaa kana tirsanaa Xisbigeedu in mar qudha ay baarashuudka ka goosteen.

duurWasiiradii hore ee Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Caraale Duur iyo Caafimaadka Dr Xuseen Xoog ayaa Si Caqliyaysan uga fal celiyay dhacdadaas oo ay ku sifeeyeen nidaam aan ku qurux badnayn Cunfiga saaxada Siyaasada iyo isbedelka aragtiyaha la aaminsan yahay waxay hoosta ka xariiqeen in hadii laga masuugo wixii u hirgalay intii ay Xilka Wasiirnimo hayeen ay ka dhigayso bar kuma taal iyo wax aan jirin Guulaha Xukuumadu Cod baahiyaha dheer ay ku naadiso.

Ku biiristooda Waddani waxay ku fasireen in Xalka badbaado ee dalka ay ka dhex goobayaan,Waxayse daba dhigeen in hadii ay ka arki waayaan danaha dalka iyo dadka ay u Tegi doonaan Xisbiga Xaqiijin kara,Waxay uga digeen Madaxda iyo Taageerayaasha Waddani inaan looga baahnayn aflagaado, iyo in si Caadifadaysan loogu jawaabo dadkii ay dawladu soo abaabushay waxay meel adag iska taageen nidaamka beelo isugu jawaabka ee qalabka warbaahinta la isu mariyo.

Xukuumada Iyo Xisbigeeda Kulmiye oo lagu Tilmaamo kuwo ku kala tagsan ahdaafta Siyaasadeed ayaa laga eegayaa Sida ay uga jawaab celiyaan Xubnahan Miisaanka lahaa ee Mar kaliya Giraanta dhanka kale u Wareejiyay.

Si kastaba ha ahaatee Marka la isku soo xooriyo dareenadii ku xeeranaa Ku biirista Siyaasiyiintan ee Xisbiga Waddani iyo Weedhihii ay ka Yidhaahdeen Waa mid laga Korodhsan karo duruus bulshada ku hagta nidaamka haboon ee dimuquraadiyada.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed