|

Aragtida Midowga Yurub ee In la Xidhayo Xafiiskooda Guud ee Somaliland

Nairobi 07 August, 2015 (SDN/QJ)- Midowga Yurub ayaa beeniyey inay xidhayaan xafiiskii ay ku lahaayeen caasimada Somaliland ee Hargeysa, oo maalmahii u dambeeyey warbaahinta gudaha iyo dibeddu qorayeen.
Wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Amb. Michele Cervone D’urso ayaa sheegay in Midowga Yurub ku taagan yahay wada shaqeyntii u dhexeysay Somaliland.

Michele-Cervone-d’Urso1-281x300Mr. D’urso oo farriin maanta ku baahiyey bartiisa Twitter ayaa ku beeniyey wararkii sheegayey in Midowga Yurub xidheen xafiiskoodii Hargeysa waxaanu yidhi,

“Midowga Yurub waxa uu ku taagan yahay wada shaqeyntii u dhexeysay Somaliland, isla markaana sugan yahay joogitaankoodii Hargeysa.”

Wakiilka Midowga Yurub ee Somaliland iyo Soomaaliya Mr. D’urso oo hadalkiisa sii wata ayaa raaciyey,

“Waxaan u wareegaynaa xafiis cusub.”

Hadalka Mr. D’urso ayaa ku soo beegmaya warar maalmahii u dambeeyey Guddoomiyeyaasha xisbiyada Mucaaradka Waddani iyo Ucid iyo warbaahinta maxaliga qaarkood ku sheegeen in Midowga Yurub xidheen xafiiskoodii Hargeysa, sababo la xidhiidha go’aankii Golaha Guurtidu ku kordhiyeen muddo-xileedka xukuumada Somaliland.

Comments are closed