Aragtida Cali Gurey ee Dhawaqa Gudoomiye Faysal iyo Wada hadalka Garabka Isbahaysiga Xisbiga Kulmiye
Hargeysa 18 February, 2016 (SDN/QJ):- Gudoomiye Ku Xigeenka 3aad ee Xisbiga Ucid Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf ‘’Cali Gurey’’ ayaa Markii Kowaad Waxa uu ka hadlay Wada hadal uu Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Sheegay inay u Socdaan iyaga iyo Garabka Isbahaysiga Dimuquraadi doonka ah ee Xisbiga Kulmiye.
Cali Gurey ayaa qoraal uu ku faafiyey Barta uu ku leeyahay Shabakada Xidhiidhka Bulshadda ee Facebook Wuxuu ku sheegay Sidan:- ‘’Somaliland sida ay xaaladeedu tahay waxa loo baahan yahay in loo midoobo ee ugu muhiimsani waa BADBAADO QARAN. Gaar ahaan UCID waxa guul u ah in uu horseed ka noqdo talada badbaadada qaran oo ku iman karta keliya isbedel run ah oo ka tarjumi kara rabitaanka iyo dareenka guud ahaan shacbiga Somaliland.
Bahwaynta xisbiga UCID hamigooda ugu wayni markan waa xaqiijnta higsiga xisbigooda oo ah inu noqdo xisbiga ku guulaysta hogaaminta talada dalka oo uu noqdo Xisbul Xaakimka Somaliland, taas oo xisbi ahaan u noqon karta sida keliya uu jiritaankiisa mustaqbalka ku badbaadin karo. Lakiin maaha wax sahlan ee wax ka horeysa hawl badan iyo waddo dheer oo dhib leh wakhtiga uu haystaana wuu xadidan yahay.
Si kastaba xaalku ha ahaado eh is araga Gudoomiye Faysal iyo garabkii Kulmiye ee ku gacan saydhay Shirkii Gokaha Dhexe ee Kulmiye ma xuma lakiin waxay ila tahay in UCID marka hore isu diyaariyo wada hadal run ah taas oo marka hore loo baahan yahay inu gudihiisa hagaajiyo taladiisana mideeyo loona dhamaado.
Garabkan Kulmiye aniga shakhsi ahaan waxan u arkaa in UCID aanay waxba isku diidi karin marka uheedadoodu tahay sidii qarankan loo badbaadin laha een arinku kursi doon iyo maxaa noo ogoshihiin ahayn, taas oo noqon karta wax aan raandhays lahayn iyo danaysiyo gaar ah. Danta qaranka iyo danta xisbiga UCID hadii aanu munaanta siino u malayn maayo in wixii kalena aanu ku kala tegi doono
Sidaa daraadeed xisbiga UCID waxa looga fadhiyaa inu isu diyaariyo sidii uu u noqon lahaa xisbi wayn oo wada qaadi kara dhamaan isbedel doonka runta ah ee Somaliland oo ah inta u aragta in Somaliland waxa maanta loo baahan yahay ay tahay badbaadin qaran.
Ugu dambaystii waxan hoosta ka xariiqayaa in wadahadalku aanu noqon doonin mid dhinaca UCID ku koobnaan doona Faysal keligii ee waa loo talo badsan doonaa danta qarankana waanu u midoobi doonaa hadii Alleh yidhaa anaga oo UCID ah, garabkan Kulmiye iyo cid kasta oo maanta diyaar u ah isbedel run ah oo lagu sabato bixinayo hogaaminta talada majare leexsan ee Qarankan.