|

Aragti ka duwan waxan lagu mashquulay. Maxaad ka taqaan Abwaan Mohamed Ibrahim Hadraawi muxuuse aminsanyahay(qaybtii 1aad)

Marka hore waxan halkan ka salaamaya dadka akhrista dhamaan qoraalada  aan halkan ku soo qoro.  Haddi aan hore ugu socdo mawduucayga,   sida ay Dimuqraadiyadu dhigayso waxa haboon in qofwalba fekerkiisa la  dhegaysto oo la dhuuxo wuxu aminsanyahay, iyo sababtu u aminsanyahay  intaba adigoon meel kale isku qaadin.

 

 

Abwaankan aan ka sheekaynaya waxa la yidha waa Mandelihi dhulka somalida  oo dhan.  Waa nin cabqariya, aragti dheer leh, ahna nin cadaysta  wuxu aminsanyahay.  Waxa la yidha waa muwaadin dhab ah oo dalkiisa  aminsan.  Taasana keentay in Somalida ay isku raacday inuu yahay  nin ku tegay suugaanta.  Hadaba markii ay caalamkii arkeen Abwaankan  ayay bari dhawayd uu ku sharfay dalka Holland shahadada ugu sareysa  dalkaa ay Boqoradu bixiso.

 

Hadaba hadaan in yar ka taabto bal taariikhdiisi.  Abwaan  Hadrawi sida la sheego waa ninka ugu suugaanta balaadhan qarnigan imika  la joogo dhulka ay somalidu degto ee Geeska Afrika oo dhan. Abwaanku  wuxu ku dhashay meel u dhaw magaalada Buuhoodle.  Barigii danbana  waxay reerkoodu u kicitimeen dalka yaman magaaladiisa Cadan, halkaasu   uu ku soo koray.  Waxa la sheegay in uu markii uu yara cadan ka  qaybgeli jiray xaflada iskuulka leeyahay iyo kuwa Somalida  deganayd  Cadan.  Halkaasanu kula baxay magaca Hadrawi .

 

Wuxu Abwaan Mohamed Ibrahim ka dib u soo wareegay Somaliya, waqtigii  la odhan jiray xabadi keentayda ee ay Yaman u dagaalamasay gobanimadooda.  Wuxu tegay magalada Muqdisho waxanu ka dhamaystay kuliyadii macalinamada  ee u kutaala Jaamacada Lafoole.

Sida la sheego markii uu kacaanku qabsaday wadanka sanadaadkii  1969, ayuu Abwaanku ka biyo diiday siyaasadii dalka ee Militarigu hogaaminayay.  Waxa bariga ay isku koox ahaayeen Abwaan Siciid Salax , oo imika degan  dalka Maraykanka, Ala ha u naxariistee Alfanaan Mohamed Mooge Liiben  iyo Abwaan Gaariye.

 

Kuligoodna waxay ahaayeen macalimiin waxa ka baratay Kuliyadii  macalinimada ee Lafoole.  Marka laga reebo Abwaan Abdi Qays oo isagu  ahaa nin kale oo ay isna ku bahoobeen dhinaca suugaanta.Sanadkii 1972  ayay ahayd markii uu hadrawi alifay ruwaayadii ugu horeyasay  oo  ay xidiga ka ahayeen  Fanaankii weyna ee Mohamed Mooge Liiban iyo  Shankaron Ahmed Sagal.

 

Hadaba Abwaanka iyo ragan ay isku hadafka ahayeen waxa la sheega inay  dhamaantoodba ahaayeen dad ka soo horjeeda dawladii kacaanka ee bariga  jirtay.  Si kastaba ha ahaatee Hadrawi , wuxu ahaa nin aad looga  bartay bariga geyiga somaliya oo dhan dhinaca heesaha jacaylka iyo kuwa  mucaaridka ahba.

 

Waxa la sheegay inay heesihiisu yihiin kuwa ugu tayada badan marka  laga hadalayo heesaha ay Fanaaniinta Somalidu qaadan.  Haddii aan  tusale u soo qaato waxa ka mid ah heesaha , heesta Baladweyn uu Qaado  Hassan Adan Samatar, Waan kuu waramaya uu qaado Musa Ismail Qalinle,  Jacay dhiig ma lagu qoray ay qaado Xalima Khalif Magool, Hooyay la’anta  uu qaado Mohamed Sulaiman  iyo Suleikhay aragaagu uu qaadan Mohamed  Nuur Giriig iyo Faduma Ahmed.  Waxa la sheega heesahaasi kuwa wax  la dhegaysto ugu qiimaha badan ayna yihiin kuwa aanad waligaaba hadaad  dhegaysato aanad ka xiisa gooynayn.

Markii ay dawladii kacaanku u adkaysan weyday mucaaradada xooga lahayd  ee suuganta Mohamed ayuu kacaankii go’ansaday inuu ku xidho isaga  meel aad uga fog caasimada.   Sanadaadkii todobatanadii aya  lagu  xidhay guri ku yaal magaala Qansax dheere , taaso ah magaala u  dhaw Baydhaba.  Halkaana wuxu ku xidhna mudda 5 sanadood ah.

 

Markii laga soo saaray xadhiga ayuu Siyad Bare waa madaxweynihi barigaase,  si gaara ah qaabilay Abwaanka waxanu ku yidhi waxan kaa dhigay Agaasime  ee shaqada qabo, waxan ku leeyahay waxa aad wadana jooji!!!!!!!.       Markaa Hadrawi arrinka wuu ka cudurdaartay isagoo markii danbe suugaantiisa  ku yidhi anigu dulmi dadkayga lagu hayo jago u qaadan mayo.

La soco qayta 2aad.

Qalinkii Adan  Jama Kahin , Tafatirah Wargeyska Onkod news UK

Comments are closed