Aqriso Heshiiskii Maamulka Ahlu Sunna iyo dowladda Soomaaliya ay ku kala saxiixdeen Caabudwaaq
Muqdisho March 07 2013 (SDN)– Kadib markii uu safar shaqo ku yimid gobolka Galgaduud Ra’iisal Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu la socdo Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo wafdi ballaaran oo ka kooban labada gole (Fulinta iyo Sharci dejinta), waxaa ay kulan ballaaran al qaateen maamulka Ahlu Suna Waljamaaca.
Heshiis dhex maray labada dhinac wuxuu ka koobanyahay 7 qodob
1. Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliyeed waxay ammaan iyo bogaadin u soo jeedineysaa halgankii dheeraa ee ay soo galeen Ahlus Suna Waljamaaca waxuuna noqon doonaa mid taariikhi ah.
2. In si waafaqsan Dastuurka iyo siyaasadda dowladda Federaalka Soomaaliya ee maamul sameynta iyo federaaleynta dalka laga hirgeliyo maamul goboleed gobolada dhexe, kadib marka ay soo dhameytiranto wixii hindise sharciyadeed ah ee Dastuurku dhigayo.
3. In dhamaan ciidamada Ahlsu Suna, Hubkooda iyo Gaadiidkooda dagaalba lagu wareejiyo dowladda Federaalka Soomaaliya ayagoo ka mind noqonaya ciidamada qalabka si ay u helaan xaquuqdooda ciidan-nimo.
4. In laga bixiyo kharashaadkii iyo deymihii Ahlu suna ku galay la dagaalankii Khawaarijta Al shabaab, kharashkaas oo dhan 5 Million oo dollar, waxaana leysla gartay in jadwal taariikheysan iyo guddi farsamo loo saaro qaabkii deymahaas loo bixin lahaay.
5.Dowladdu waxay la wareegeysaa maamulada degmooyinka gobolada dhexe ee Ahlu suna gacanta ku heyso, kuwaas oo si toos ah u hoos imaanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya si ay xaquuqdoodii u helaan.
6. Dowladdu in daryeel u fidiso agoontii iyo naafadii ku wax yeeloobay halgankii dheeraa ee Ahlu sunna uga xoreeysay degaanada gobolada dhexe Khawaarijta Al Shabaab.
7. Dhaqangelinta iyo dabagalka heshiiskaan waxaa loo saarayaa guddi farsamo oo labada dhinac ah mudo labo asbuuc gudahood ah oo ka bilaabaneysa maalinta heshiiskaas la kala saxiixdo.
Wuxuu dhaqan galayaa heshiiskaan marka ay saxiixaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Ahlu sunna Waljamaaca.
Qodobada heshiiskan kadib ayaa waxaa Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka uu ku dhawaaqay dhismaha maamulo degmooyin iyo degaano hoostaga kuwaasoo hoostagaya dowladda waxayna kala yihiin, Degmada Caabudwaaq, Degmada Dhuusamareeb, iyo degmada Balanbal halka sidoo kale maamulo loo magacaabay degaanada kala ah, Guriceel, Xeraale iyo Dhabad, iyadoo isla saakana lagu dhaariyay degmada Caabduwaaq. waxaana goob joog ka ahaa Ra’iisal Wasaaraha iyo xubnaha kale ee labada gole.
Heshiiskaan waxaa u saxiixay dhinacyada.
1. Cabdikariin Xuseen Guuleed
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka
2. Cabdi Cali Fiidow
Waxaa kale oo goob joog ka ahaa.
Guddoomiyaha golaha Fulinta maamulka Ahlu suna Waljamaaca
3. Sheekh Ibraahim Sheekh Xasan Guureeye
Guddoomiyaha saddexda gole ee maamulka Ahlu suna Waljamaaca.
4. Sheekh Cumar Shiikh C/qaadir
Guddoomiyaha golaha Talada maamulka Ahlu suna Waljamaaca.
5. H.E. Cabdi Faarax Shirdoon
Ra’iisal Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya