|

Aqoonyahan si Xeel dheer Tooshka ugu Iftiyey Caqabada Dadka Somaliland ka Haysata Baasaboorada lagu dhoofo

Hargaysa 07.July 2016 (SDN/QJ):-  Aqoon yahan Maxamed Haaruun ayaa Tilmaamay Dhib ummada Somaliland ka haysata Baasaboor ay ku soo gutaan Waajibaadka Xajka .

Maxamed-haaruun-800x600“Xiligan oo kale, (dhamaadka ramadaan, iyo bilowga xiliga xajka) waxa soo baxda baahida loo qabo baasaaboor ay dadku ku safraan. Baahidaasi dadwaynaha caadiga ah uun baa ay haysataa, siyaasiyiinta se dabkaasi kuma oogna, maxaa yeelay baasaabooro ajnabi ayaa ay haystaan.

Qolyaha diyaraduhu shalay waxa ay ii sheegeen in aanay haynin si ay u qaadaan dadkii xajka aadi lahaa, xaaladdu na ay aad u cakirantahay. Laba jid oo baasaaboor Soomaali lagu helo ayaa awal jiray, labadii na midkood Somaliland baa burburisay, midna xukuumadda Muqdisho.

Mudoba waxa jiray, aad na loogu ladnaa, qolyo Hargeysa ka hawl geli jiray, oo si aan muuqanin dadka baasaaboorada ugu fududayn jiray. Waxa ay qaadi jireen macluumaadka shakhsiga ah, faraha qofka iyo sawirada, computer ahaan na, Muqdisho ayaa ay ugu gudbin jireen, sidaas ayaa na qofka baasaaboor loogu keeni jiray isaga oo halkiisa jooga.

Albaabkaasi dhawaan ayaa ay Somaliland xidhay. Jidka kale na waxa uu ahaa, in sawirada iyo magacda loo dhiibo diyaaradaha ganacsiga, ka dib na sidaas lagu soo sameeyo baasaaboor, taas na qolada Muqdisho ayaa joojisay, waxa ayna sheegeen in aanay hubin dadka baasaaboorada loo samaynayaa kuwa ay yihiin mar hadii aan faro laga qaadin.

Labadaas caqabadood dhexdooda ayaa dadka Somaliland ee shicibka ahi ay ku dex jiraan, jidka soo hadhay ee furani na, waa in Garoowe (Puntland) loo safro, kharash badan iyo wakhti badan na la huro. Dadka xajka aadayaa waaba iska joogi doonaan hadii ay baasaaboor waayaan, waxa se ugu xanuun badan dadka cisbitaalada debedda loola carari lahaa ee caqabadani haysato. Waa dhexdii ahayd Warancade ayaa lacag hal milyan oo dollar gaadhaysa qandaraas ku siiyay nin sheegay in uu baasaaboor Somaliland leedahay ka soo samaynaayo debedda, waxaana Guurtida horteeda lagaga khudbeeyay in kaas lagu tagaayo xajka. Hal milyan oo lumay iyo baasaaboor lumay uun dheh.

Allaa Mahad Leh

 

Qalinkii: Maxamed Haaruun Biixi

Hargeysa, Somaliland

Comments are closed