Aqoonyahan JAAMAC CILMI JIIR Ayaa loo Dhadhiciyay Xarunta Danbi Badhista
Hargeysa 28-March-2013.{Somalidaisporanews} Manta galinkii danbe ayaa waxa suqa badhtankiisa cidamo ka tirsan Bolis-ka Somaliland waxa ay suqa badhtankiisa ka qabteen Aqoon yahay Jamac. cilmi (jiir) oo ka mida aqon yahaynka somaliland waxa uu sameeyaa taxane yaal uu kaga hadlayo xukumadda somaliland.
Xukuumadihii kala danbeeyay e Somaliland ayaa hore loogu yiqiinay xadhiga suxuufiyiinta iyo siyaasiyiinta mucaaridka ah.
Balse xadhiga aqoon yahan Jiir ayaa noqonaya kii noociisa ah ee lagula kaco ruux aan siyasad iyo saxaafad toona u soo ban bixin.
Arintan Jamac ayaa ku soo beegantey kadib markii uu maanta madaxweynaha somaaliland dib ugu soo noqdey somaliland taasi oo aan ilaa hada aan la garanayn sababta xadhigiisa loo aanynayo.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com