Aqoonyahan Cabdulqadir: Maskax furan oo Maamul u heelan!! (Warbixin)
Umad kasta waxay leedahay Taariikh gaar ah oo Dhul, Dhaqan iyo Deegaanba wadata, waxaana intaasba ilaaliya Dadka oo ay horkacayaan Xubno Karti, Aqoon iyo Indheer-garadnimaba lagu xushay .
Dadkaas Xulka ah, waa kuwa loo yaqaan Hogaanka ama Maamulka, iyaga horseedkoodana, waa kan Dal kasta gaarsiiya hormar muuqda oo Umadaha iyo Dalalka kaleba ay ku daydaan.
Umadeena Soomaaliyed, inkasta oo ay soo martay Berya-san oo Barwaaqo Nololeed iyo Maamul Dowladeedba leh, hadana 23-kii Sano ee u dambeeyay waxay seeganeyd Hogaan toosan, iyo Hagis suuban oo Nabad iyo Nagaadi u horkacda.
Iminka, oo Dalku uu Dowlad yeeshay, waxaa hubaal ah inay Dad badani rumeysaniyihiiin in la gaaray Goortii Maamul samaanta iyo Horjoogista toosan la isla goobayay, si isbedel habboon loo dhaliyo.
Cabdulqadir Maxamed Cabdulqadir, waa Aqoonyahan Dhalinyar, oo Maskax furan, Dhaqan hufan, iyo Karti Howlkarnimaba Ilaahay siiyay, wuxuuna iminka haminayaa inuu Halganka isbedel doonka iyo Dal badbaadinta ah ee Soomaaliya ka socda Kaalin ku yeesho.
Cabdulqadir oo Sudan iminka ku sugan, halkaas oo uu Waxbarashada Jaamacadda ku dhamaystay, ayaa wuxuu si cad u sheegay inuu doonayo qabashada Xilka Gudoomiye ku xigeenka Gobalka Banadir iyo Duqa Muqdisho.
Taariikhdiisa Aqooneed, wuxuu Cabdulqadir sheegay inuu Dugsiga sare kaga baxay Muqdisho, ka dibna uu Hayaan Tacliin doonad ah ugu kicitimay Dalka Sudan, halkaas oo kaga biiray Jaamacadda Caalamiga ah ee Afrika, oo uu Shahaadada Koobaad ee Jaamacadda ka qaatay.
Jaamacadda uu Cabdulqadir ka baxay waa tan ugu badan ee Soomaalida Sudan wax kasoo baratay ama iminka ka barata ay dhigtaan, waana Xarun Waxbarasheed Jiritaan fog, Tayadeedana Qaaradda iyo Dunida kaleba laga tix-galiyo.
Shahaadada Koobaad ka dib, wuxuu Cabdulqadir iminka heer gaba gabo ah ka marayaa Diyaarinta Shahaadada Labaad ama Masterka oo uu Xiriirka Caalamiga ah iyo Diplumaasiyadda ku baranayo.
Ka sokoow Waxbarashada, wuxuu Mudanahan intuu Sudan joogay ka qayb galay Dadaalo badan oo hormarinta iyo wax u qabashada Ardayda wax-baranaysa ee Dalkaas joogta quseeya.
Ururada ay Ardayda Soomaalidu ku mideysanyihiin oo Dalkaas ku yaala ayuu Cabdulqadir Xilal kala duwan kasoo qabtay, wuxuuna Xilalkiisaas kusoo bandhigay Wax-qabad iyo Karti adag oo aad loogu amaanay.
Cabdulqadir wuxuu Xilka Maamulka Fulinta ka qabtay Xarun Cilmibariseed oo Raa’id lagu magacaabo, ahna Xarun ay Aqoonyahanno Soomaaliyeed aas-aaseen oo Magac iyo maamus sare ku yeelatay xaga Cilmi-baarista.
Mudane Cabdulqadir waxaa kaloo lagu bartay Gacan siin baaxad leh oo uu ka geystay Howlaha Safaaradda Soomaalida ee Dalka Sudan, isagoo in badan kala shaqeeyay dhinaca Warfaafinta.
Ugu dambeyntii Mudanahan ayaa si kooban uga hadlay Sababta uu Xilka Gudoomiye ku xigeenka Gobalka u doonayo, iyo wax-qabadka uu rajaynayo inuu sameeyo guushiisa ka dib, wuxuuna sheegay in Arrinta ugu wayn ee kicinaysa oo Xilka ku riixaysa ay tahay Dareenka Wadaniyadeed, iyo Jacaylka uu Dalkiisa iyo Dadkiisa u qabo.
“Aqoonta aan bartay ayaan doonayaa inaan Dalkeyga ugu adeego, Xilligan adage ee ay Dadkeyga ku jiraanna ma jeceleysan inaan Banaanka ka taagnaado oo aan iska eegto, sidaas darteed baanu doonayaa inaan Dalka iyo Diinta wax kasta u huro” ayuu Cabdulqadir oo Warbaahinta la hadlay yiri.
Qoyska Cabdulqadir waa Dad Maamulka iyo Dal u adeegista lagu bartay, Aabihiis oo Dr. Maxamed Cabdulqadir la oran jirayna wuxuu Gudoomiye ku xigeen kasoo noqday Maamulka Gobalka Banadir, isaga ayaana Ilmihiisa oo Cabdulqadir ku jiro kusoo ababiyay u shaqaynta Dalka iyo dhowrista Danaha Umadda.
Warbaahinta ayaa hadal heysa in dhawaan isbedel lagu samayn doono Maamulka Gobalka Banadir, wuxuuna Cabdulqadir rajaynayaa in Magaciisa iyo Wax-tarkiisaba lagu dhex kari doono Maamulkaas cusub ee la filanayo haduu Eebe yiraa.