|

Aqoonsi; Boogta Somaliland!

Qalinka: Maxamed Haaruun
Marka si guud loo eego, dadka Somaliland waxa ay sameeyeen dadaal iyo nafhur mudadii 34ka sanno ahay dee la ga soo gudbay. Xallinta khilaafaadka, dhismaha nabadda, taabbo-gelinta hanaanka dawladnimada iyo ta u dhibta iyo mixnadda badan, hadana aan la ga maarmin, oo ah ka shaqaysiinta dimuquraadiyadda. Intaba wax weyn baa la ga qabtay. Dadaal aanay samaynin Soomaalidii kale ee Jamhuuriyaddii burburtay ayay dadka Somaliland sameeyeen. Taasi waa xaqiiqo aanu wax muran ahi ku jirin. Sidaas oo ay tahay, waxa jirta meel muhim ah oo aanay Somaliland xal u helin, wax la ga yeelo na aan marnaba si hagaagsan loo ga tashan; taas oo wixii dadaal la sameeyay na halis ku ah. Dabcan taasi waa masalada aqoonsiga dawladnimo ee Somaliland, oo aan ku doodaayo in ay tahay ‘boog’ furan oo Somaliland ku taalla, xal na u baahan. Waxa aan tilmaami dabciga boogta, ciladaha jira iyo waxa daawo u noqon kara. Waa amuur dawladda cusub u ga baahan fikir cusub iyo talo hor leh.
Mudadaas dheer ee 34ka sanno ah, ee ay aad u kobceen qaybaha kale ee dawladnimadu, masalada aqoonsigu waa Meesha keliya ee aan wax horumar ah la ga samaynin. Waa sababta Danjiraha Denmark ee Somalia, ka dib markii hadalo uu jeediyay ay Muqdisho dhawaan cabasho ka muujisay, uu u bixiyay Jawaabtii uu bixiyay – Soomaaliya hal dal baanu anaku u aragnaa, hal kaas dal oo Somaliland na ay ka mid tahay. Eeg, waxa ay taagantahay is la bartii ay taagnayd 1991kii markii SL la gu dhawaaqay. Is la Jawaabtii la siiyay 1991kii, oo aanay jirin wax is ka bedelay haba yaraatee, ayaa Somaliland la siiyaa. “Aqoonsi toos ah ma idin siin karno; waa in aad Soomaali ahaan dhexdiina amuurtaas u ga wada hadashaan, oo wada jir iyo ka la jir mid uun u go’aansataan.”
Taas weeye jawaabta SL ay dunidu siin jirtay, welina u hayso. Sababo siyaasadeed iyo kuwo qaanuun midkood, inta badan na labadaba, ayay jawaabta taas ah dunidu u siisaa Somaliland. Hadaba, weydiinta aad muhiimka u ahi waxa weeye, siyaasiyiinta Somaliland maxay yeeleen, amaba ay tahay in ay yeelaan? Laba weydiimood oo wada jira, hadana ka la

jira weeye, sax na waxa ah in la ka la qaado. Siyaasiyiinta SL markii ay jawaabta taas ah si ku celcelis ah cid kasta u ga la kulmeen, maxay yeeleen? Talo waxa ay ka ga ururtay in aanay tashan. Haa, in aanay tashan, oo caqabadda ay waajahayaan aanay si dhab ah wax isaga weydiin.
Hubaal waxa ah haddii taasi dhici lahayd, in ay fikrado ka la duwan iyo ikhtiyaarro ay ka la doortaan heli lahaayeen, ma se dhicin. Booskii doodad runta ahi geli lahayd, ee xal nooc uun ah la ga soo saari lahaa, waxa la geliyay heeso iyo hadalo aad iyo aad runta u ga durugsan. Aqoonsigii waa soo dhowyahay, haddii aynu doorashadaas amma taas kale qabano na, miiska ayuu saaranyahay. Intaas weeye waxa u gu mugga weyn ee uu sheego amaba sheegi karo siyaasiga SL. Intaasi marka ay u gu wacantahay waa maaweelo, haddii kale na waa been cad oo loo badheedhay, halkii run la raadin lahaa. Maaweeladaas qaybteeda u raad dambaysay waa in uu Donald Trump SL aqoonsan doono – waa huf iyo hal aanay waxba ka jirin, sidii Kuwii hore.
Maawelada marka la ga yimaaddo, dhibta kale ee masalada tan ah ku saabsani waa iyada oo la dhisay, la gu na shaqeeyay dood qaanuun oo aan cago adag ku taagnayn, taas oo ah Somaliland kiiskeedu in aanu ahayn gooni u goosi dhinac keliya ah – unilateral secession case. Dood balaadhan baa halkan ku jirta, oo dadka dooddaas dhisay ay qabaan, laakiin marka la soo koobo, hal amaba laba weydiimood uun baa qeexaaya dabciga doodad Meesha taalla. Haddii aanu gooni-u-goosi ahayn, haddaa maxaa kale ee uu yahay, maxaa se Somaliland 34 sanno loo gu sheegayaa in ay Soomalaida wada hadlaan? Taas jawaab ma u hayaan dadka dooddaas qabaa, jawaab la’aantu na, keligeed baa ah maragfur cad oo lid ku ah doodad la dhisay.
Gees kale marka la ga eego, weydiinta kale ayaa ah maxay yeeli karaan? Waxa ay Somaliland yeeli kartaa waxyaabo badan oo wada socda amma ka la socda, kuwaas oo ay suurtagal tahay in ay ka soo baxaan natiijo ah middii ay doonaayeen, amaba wax ka wanaagsan. Dadka qaarkood, oo xataa siyaasiyiintu ku jiraan, ayaa marka la furo doodad ah sidan/qaabkan aqoonsi ma ku imanaayo ee maxaynu yeelnaa; waxa ay warka ku soo gaabiyaan ma Soomaaliya oo aan xaalkeeda ognahay ayaynu is ku tuurnaa? Su’aashaas waxa loo keenaa si loo xidho doodad, ujeedo kale na ma laha. Dawlad 34 sanno jirta, oo Meesha ay wax ka ga xidhanyihiin aan wax qorshe ah ba ka

lahayn ayaa Meesha taalla, waana fashil muggiisa leh. Halkaas weeye Meesha ciladdu fadhidaa.
Al muhim, Somaliland waxa ay joogtaa xiligii ay qiimayn lahayd dadaaladeeda, wixii aan shaqaynan na is ka qubi lahayd. Somaliland haddii ay Muqdisho la hadasho, oo maamulada ka la duwan ee gobolada la xaajooto, oo si toos ah iyo si dadban ba u la fal gasho, waxa hubaal ah in ay soo baxayso natiijo ah tii ay SL rabtay, amaba tu ka sii weyn. Somaliland in ay Soomalaida kale xal la gaadho, oo aqoonsi ka hesho waa suurow, waana wixii ay rabtay. Waxa kale oo suurow ah, oo wixii ay rabtay ba ka sii weyn, in ay Soomaalida oo dhan Hargeysa hogaamiso, oo madaxtinimada iyo caasimadda ba qaadato. Labaduba waa suurow, waa se haddii loo dhaqaaqo uun. Si la yeelo ba, dariiqa keliya ee jiraa waa in Soomalaida xal lala gaadho, boogtaas na dawo loo helo.

Leave a Reply