|

Aqoon Isweydaarsi Maanta loo soo Xidhay Mudanayaasha Golaha Deegaanka ee Boorama

Boorama 23.Feb 2014 (SDN)- Waxa xarunta golaha degaanka ee degmada Boorama lagu soo gabagabeeyay Tababar socday mudo laba maalmood ah oo ay ka qayb qaadanayeen Xildhibaanada Golaha degaanka ee degmada Boorama oo ay ku lamaan yihiin masuuliyiin ka socotay Wasaaradaha Waxbarashada, Caafimaadka, Biyaha iyo lataliayaha mashaariicda JPLG-ga ee dawlada Hoose ee Boorama.

daadajin-300x168Tababarkan oo ay dulucdiisu ahayd siyaasada maamul daadajinta iyo qaabkeeda hirgalineed, iyo faafinta maamul daadajinta qaranka iyo sidoo kale wadada loo marayo geedi socod dhab ah oo lagu hagayo hawlaha shaqo ee D/Hoose ee Boorama, waxana kulankan soo qaban qaabisay Wasaarada Arimaha Gudaha Ee Boorama

Kulankan ayaa waxa xidhitaankiisii ka hadlay maayarka Boorama Md. Saleebaan Xasan Xadi waxana uu sheegay in mudadii labada maalmood ahayd ee uu socday ay wax badan xildhibaanadu ka korodhsadeen, sidoo kalena aya maamul daadajintu tahay talaabo muhiim ah oo la doonayo in loogu dhawaado bulshada wax loo qabanayo, si awooda loo saaro baahiyaha dhabta ah ee ay bulshadu qabto, si wax looga qabto.

La taliyaha Maamul Wadaaga ee Wasaarada Arimaha Gudaha Md. Siciid Axmed Cabdilaahi oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Waxa aan sheegayaa in kulankan uu yahay mid muhiim ah oo lagooga dan leeyahay in wasaaradaha qaranka lagu baraarujiyo maamul daadajinta si baahiyaha bulshadu qabto mudnaanta loo siiyo isla markaana wax looga qabto, waxa xusid mudan in M/Ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici uu ku guulaystay inuu shiriyo wasaaradaha ay khusayo maamul daadajintu, kalana hadlo sidii umada loogu shaqayn lahaa, waxa kale oo aan sheegayaa in tababarkan waxyaabahii aad ka korodhsateen looga baahan yahay inaad bulshada iyo wasaaradihii aad ku timaadeen dib ugu celisaan, abuurtaana deegaan wada shaqayn mudan oo dhex mara wasaaradaha iyo D/Hoose si aad shaqada u gudataan.

Kulankan ayaa waxa kale oo ka hadlay qaar ka mid ah Xildhibaanada G/Degaanka Boorama iyo Madaxda Wasaaradihii ka qayb qaatay waxana ay ka marag kaceen in kulankani ahaa mid muhiim ah oo wax badan ka taraya daboolida baahida maamul daadajinta iyo culuunta looga baahan yahay, waxana ay balan qaadeen inay daadajin doonaan maamulka si ay bulshada ugu dhawaadaan.

Boorama SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed