|

Aqoon Isweydaarsi lagaga hadlayay Carqaladaha ka hor yimaada Golayaasha Deegaanka ee la soo doortay oo Boorama ka furmay

Boorama 21.Feb (SDN) Gudoomiye ku xigeenka gobolka Awdal  Cabdi Nuur Sugaal ayaa tababar hal cisho ah oo ku saabsan caqabadihii ay la kulmeen golayaasha deegaanka uga furay magaalada Boorame xildhibaanada golaha deegaanka ee Magaalada Boorame.

Tababarkan oo ay qabanayso Hay’adda wadaniga ah ee Sonsaf ayna  ka qayb qaadanayaan xubnaha golaha deegaanka ee Degmada Boorame ayaa waxaa warbixin ku saabsan caqabadihii ay la kulmeen xubnaha golayaasha Deegaanku ku soo gudbiyey kulankaas Cabdi Cismaan dhegoweyne oo ku hadlayey magaca xildhibaanada golaha deeganka isagoo tlmaamay in waxyaabahii ay la kulmeen mudadii ay xilka hayeen  ay qaar ka mid ahi u baahan yihiin in bulshadu xalintooda ka qayb qaadato.

Gudoomiye ku xigeenka gobolka Awdal  Cabdi Nuur Sugaal ayaa kulankaasi ka cadeeyey in Nabadgelyadu tahay furaha horumarka lagama maarmaana ay tahay in laga wada shaqeeyo nabadda la iskana ilaaliyo xaasaasida iyo waxyaabaha dhalin kara kala fogaanshaha
Agaasimaha Hay’adda wadaniga ah ee SOMSAF maxamed axmed maxamuud ((barawaani)) ayaa sheegay in kulamada noocan ah ay lama huraan u yihiin golayaasha deegaanka horena looga soo qabtay kulamo noocan oo kale ah magaalooyinka Hargaysa , Burco iyo Berbera.

Boorama SDN

Comments are closed