Aqoon is weydaarsi lagu lafo gurayay sida ugu suurto galsan ee Haweenku ugu soo bixi karaan doorashooyinka Golayaasha Deegaanka oo Hargeysa lagu qabtay
Hargeysa Mar 06,2012(SDN)-Aqoon is weydaarsi lagu lafo gurayay sida ugu suurto galsan ee Haweenku ugu soo bixi karaan doorashooyinka Golayaasha Deegaanka iyo dariiqa ugu haboon ee wacyigooda kor loogu qaadi karo ayaa Maanta lagu qabtay huteelka Sammer Time ee Caasimada Hargaysa.
Tababarkan oo ay ka qaybgaleen 40 haween ah oo ka kala socda lixda gobol ee waaweyn ee Somaliland , waxaa ugu horayn madashaasi hadal kooban oo furitaan ah ka soo jeedisay madaxa hayadda progressio Sucaad Ibraahin Cabdi , oo sheegtay in ay aad ugu faraxsan tahay in ay aragto haween isu soo taagaya sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen doorashooyinka golaha deegaanka , dhinaca kale waxay Marwo Sucaad ay sharaxday ahmiyada ku jirta sidii ay dumarku uga dhex muuqan lahaayeen masraxa siyaasada iyo sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen hogaaminta wadanka .
Agaasimaha fulinta ee hay’ada FOPAC oo tababarkan soo qaban qaabisay Marwo ismahaan Cabdisalan oo iyaduna halkaasi ka hadashay ayaa ka warantay tababarkan iyo sidii loogu baahan yahay in lagu garab istaago haweenka in ay kaalintooda ka qaataan sidii ay saami uga heli lahaayeen ka qayb galka siyaasada wadanka waxaanay haweenka Somaliland ku guubaabisay sidii ay fusadan uga faa’iidaysan lahaayeen.
SDN-Hargeysa