Aqalladii ay Ku Raaxaysan Jireen Siyaasiyiin Reer Yemen ahi Oo Shacabkoodu Boob iyo Bililiqo Ku Hayaan
Sanca:Sep,23,2014(SDN/QJ)-Inkastoo heshiis dhawaan jabhadda Xuutiyiinta iyo dawladda Yaman ay heshiis kala saxeexdeen, haddana waxa magaalada sanca ka Taagan boob lagu hayo aqallo ay lahaayeen siyaasiyiin caan ah oo dalkaas xukuumadihii kala duwanaa ee dalkaas kusoo jirey.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in boob ay u geysteen Xuutiyiintu guryo siyaasiyiin caan ah oo uu ka mid yahay Jeneral Cali Muxsin Al-axmar, oo ahaa lataliyihii gaashaandhigga Madaxweynaha Yemen.
Jeneral Al-axmar ayaa hoggaamiyey dagaallo ka dhan ahaa xuutiyiinta hore xukuumaddu ugu weerartay xaruntooda Sacda , sidoo kale xarumihii ururka al islaax ee magaalada Sanca ayaa wararku sheegayaan in laweeraray oo qalabkii yaaleyna laga bililiqeystay.
Wararka laga helao magaalada Sanca ayaa sheegaya in ayney ilaa hadda muuqan wax tallaabo ah oo ay qaadeen Xuutiyiintu oo muujinaya in ay ka baxayaan goobihii ay hore u qabsadeen ee magaalda Sanca, hasayeeshee war ka soo baxay xuutiyiinta ayaa sheegaya in ay sugayaan ammaanka xarumaha muhiimka ah ee caasimadda iyaga oo la shaqeynaya ciidamada ammaanka.
Wasiirka arrimaha gudaha Yemen ayaa hore uu sheegay baaq uu u jeediyey ciidamada boolisku in aaney la dagaalamin Xuutiyiinta isagoo intaa ku daray in laga wadashaqeeyo ilaalinta xarumaha dawladda iyo ku guud intaba.
Heshiiska Xukuumadda Yemen iyo Xuutiyiinta ayaa dhigaya in la dhiso xukuumad wada jir ahoo qaran iyo in xuutiyiintu ciidamadooda kala baxaan caasimadda Sanca, hasa yeeshee wararku waxay sheegayaan in ilaa hadda aaney jirin wax oo lagu fulinayo heshiiskaasi.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com