Aqalka Ugu Sarreeya Goleyaasha Dalka Kenya Oo Daadafeeyey In Dib Loo Celiyo Qaxootiga Soomaaliyeed ee Xeryaha Dhadhaab
Nairobi:April,17,2015(SDN/QJ)-Xubnaha Golaha Aqalka ugu sarreeya Golayaasha waddanka Kenya, ayaa si weyn uga horyimi tallaabada xukuumadda dalkaasi dib ugu soo celinayso Qaxootiga soomaaliyeed eek u jira Xeryaha dhadhaab.
Afhayeenka Golaha Sare Kenya Ekwe Ethuro oo warbaahinta la hadlay maalintii shalay, ayaa wuxuu ka hadlay arrinta ku aadan in xoog loo adeegsan doono dib u celinta qaxootiga Somaliyeed.
Afhayeenka, ayaa ka dhawaajiyay inaan xoog lagu celin doonin qaxootiga, isagoona meesha ka saaray in Dowladda Kenya ay ka horimaaneyso xeerarka caalamka ee qaxootiga.
“Kenya xoog kuma celin doonto qaxootiga Somalida ah ee dalkeena ku nool. Kenya kama horimaan doonto sharuucda caalamka kaga degsan qaxootiga.” Ayuu yidhi Ekwe Ethuro
Ugu dambayntii afhayeenku waxaa uu sheegay in Kenya Qaramada Midoobey kala shaqeyneyso sidii qaxootiga si iskood ah ugu laaban lahaayen dalkooda, iyagoon la khasbin.
Hadalka Afhayeenka golaha sare Mr Ekwe ayaa ku soo aadaya kaddib markii madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya William Ruto uu dhawaan ka dalbatay hay’adda UNHCR in saddex bilood gudahood ay qoxootigan ku jira Dhadhaab dib ugu rarto gudaha Soomaaliya.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com