|

Aqalka Madaxtooyada Oo Aan Laga Seexanin Intii uu Khilaafka Wakiilaadu Taagnaa iyo Natiijada Shir Uu Xirsi Hoggaaminayey oo Xalay Qabsoomay iyo Dardaarankii Laga Kala Hoyday

Hargeysa:16-Feb-2014(SDN)-Aqalka Madaxtooyada ayaa wali Sii Wada Dagaalkii uu ku qaaday Golaha Wakiillada iyo iskudaygiisii ahaa inuu Meesha ka Tuuro Guddoomiye Cirro.

xirsiDagaalkan oo ay Xukuumaddu u wada Dhan tahay ayaa Dhalay Shirar Hoose oo la isugu yeedhayo Xubnaha Horseedka ka ah Isku daygan, waxana Habeenadii ugu dambaysay Soo Baxayey Shirar ay Guryo Hoostood ku Yeelanayaan Wasiirro uu HOrmood u yahay Wasiir Xirsi iyo Xildhibaano HOrboodayaal ah oo loo igmaday inay Majaraha u hayaan Hujuumka Cirro lagu Dhaxal wareejinayo.

Shirarkan oo kuwoodii ugu dambeeyey xalay Ka Qabsoomeen Aqalka madaxtooyada, ayaa lagu Go’aamiyey inaan laga Hadhin Dagaalkan oo la sii wado, waxana la isku Qanciyey inay Hayaan imika Saansaantii ugu horraysay ee Muujinaysa inuu Guddoomiye Cirro meesha ka sii Socda, maadaama la isku dubaritay Koox Tiro badan oo diyaar u ah inay Codkooda dhiibtaan.

Wasiirrada Shirkan ka qaybgalay ayaa Xildhibaano Tiro yar oo shirkan fadhiyey ku Boorriyey inaan luminin Fursaddan maanta Taagan oo ku dhiirraddaan inay Codkooda ku Muquuniyaan Guddoomiye Cirro.

Shirkan xalay oo lagu qabtay Aqalka madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland ayaa la sheegayaa in lagu kala dhaqaaqay inaan dheg loo dhigin iskudayada ay haatan wadaan Golaha Guurtidu, waxana ugu dambayntii lagu kala Hoyday inay Maanta kaliya Go’aansadaan inay Codkooda Adeegsadaan  maadaama ay Gacantooda ku Haystaan Aqlabiyadda Golaha.

Khilaafka ayaa sii Xoogaystay, waxana labada dhinac ergooyinkii ay  arrinta u saareen ku Guuldarraysteen inay soo Saaraan Natiijo dhexdhexaad ah oo labada dhinacba ku Qanacsan yihiin.

Lama Garan Karo meesha uu khilaafkani Cago dhigan Doonaa, waxase kaliya la Hubaa inaan Aqalka madaxtooyada laga Seexanayn inta ay arkayaan Guddoomiye Cirro oo laga Tukhaantukhiyey Guddoomiyenimada Golaha.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed