Aqalka Cad iyo Baarlamaanka Mareykanka ayaa diiday cafis uu dalbaday Edward Snowden oo siro badan khashifay
Moscow Nov 04,2013(SDN)-Edward Snowden oo ah nin hore ugu shaqeyn jiray hay’ada amniga ee Mareykanka NSA isla markaana shaaciyay xogo ku saabsan sirdoonka dalkaas oo basaasay qaar ka mid ah madaxda caalamka.
Snowden ayaa Mareykanka isaga baxsaday haatana ku nool dalka Ruushka oo uu megengelyo weydiistay.
Snowden ayaa maalmo ka hor dalbaday in cafis loo fidiyo si uu Mareyknka dib ugu noqdo bacdamaa aaney denbi aheyn in la baahiyo khaladaadka dawlada.
Aqalka cad ayaa sheegay in dalabka ka soo yeeray Edward Snowden aanu aheyn mid macquul ah.
“Mr Snowden waxa uu jabiyay shuruucda dalka Mareykanka,waa in uu soo noqdaa uuna wejahaa sharciga”sidaa waxa yiri Dan Pfeiffer.
Madaxa Guddida sirdoonka Mareykanka ee aqalka Senateka Diane Feinstein ayaa saxaafada u sheegtay hadii uu Snowden yahay nin doonayay in uu wax saxo xogta inaga ayuu noo soo gudbin lahaa tiyoon cidi ogaanin.
Iminkase bey tiri Mareykanka ayuu ceebeeyay,jawaabta dalakiisa cafisna waa maya ayay tiri mar ay saxaafada u warantay.
Snowden ayaa xogaha uu shaaciyay waxa ay caro dhex dhigeen xulafada Mareykanka iyo xukuumada Obama.
SDN-Moscow
contact@somalidiasporanews.com