Ansixinta Dastuurka: Diidmo iyo Dabaal-dag (Faallo)
MogadishuAugust 02,2012(SDN)- Waxaa Shalay lagu dhawaaqay in dalka Soomaaliya uu waqtigan yeelanayo dowlad dhamaystiran ka dib muddo Labaatan Sano ah oo dagaalo sokeeye ay socdeen.
Madaxweynaha dowladda KMG ee Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed, ra’isul wasaarihiisa mudane Cabdi-Weli iyo madax kale ayaa ka midaysan fakarkan iyagoo u sheegay bulshada Soomaaliyeed inay Shala ahayd maalin taariikhi ah ka gadaal markii ergo tiradoodu gaarayso 825 xubnood oo Sagaal maalin ku shirsanaa Muqdisho ay ansixiyeen Dastuur cusub oo dalku uu yeelanayo.
Madaxda dowladda oo ansixinta dastuurka ka dib khudbado ka jeediyay halka uu Shirkaasi kusoo dhamaaday ayaa ergadan ku tilmaamay halyeeyo mudan Shahaaddo Sharaf maadaama ay qaadeen tallaabo taariikhi ah oo umadda Soomaaliyeed wanaag u horseedeysa sida ay madaxdu sheegeen.
Dastuurka cusubi wuxuu shaqayn doonaa Afar Sano oo ah mudada uu xilka hayn doono madaxweynaha la dooranayo bisha August ee hadda billowga ah 20-keeda.
Waqtigaas ka dibna waxaa la qorsheynayaa in la sameeyo afti dadweyne oo dalka guud ahaan laga hirgalinayo si Shacabka Soomaaliyeed u ugu codeeyo dastuurkan inuu noqonayo midka sharciga ah ee dalku uu ku dhaqmayo iyo in wax laga badalayo. (1)
Shaqsiyaad Miizaan waqtigan ku leh Siyaasadda Soomaaliya iyo mas’uuliyiin beesha Caalamka ah ayaa taageeray dastuurka, waxaana ka mid ah madaxweynaha Puntiland Cabdiraxmaan Faroole. Sidoo kale Ururada Caalamiga ah ee Soomaaliya arrimaheeda daneeya oo midowga Africa uu ku jiro ayaa iyagana taageeray howshan.
Ka hor ansixinta dastuurkan ee Shalay, wuxuu soo maray waqti aad u dheer oo diyaarintiisa iyo soo bandhigistiisuba ay soconaysay. Mudadaasina waxaa howsha dastuurka barbar socotay afkaar kala duwan oo dadweynuhu ay arrintan ka bixinayeen.
Dad badan ayaa shaki galinayay Dastuurkan iyo inuu yahay mid ku salaysan danta dadka Soomaaliyeed. Halka qaar kalena ay taageero xoog leh siinayeen howsha diyaarinta dastuurka, aaminsanaayeenna inay tahay howl horseed u noqon doonta dowlad dhamaystiran oo Soomaaliya loo helo.
Cid kata oo Dastuurkan taageereysaa waxay ku andacoonaysay inuu yahay mid dhalin doona Soomaaliya oo ka baxda Kumeel-gaarnimada dowladeed ee ay mudada dheer ku jirtay taasna ay keeni doonto in Caalamku uu dalkan ula dhaqmo sidii dal leh dowlad
dhamaystiran oo hesha xuquuq badan oo ka maqnayd intii ay howsha dowladeed ee dalku ahayd mid qaab Kumeel-Gaar ah u socota Labaatankii Sano ee lasoo dhaafay.
Dhaliilayaasha Dastuurka iyo dadka ka shakisanina waxay qabeen inay arrintani tahay mid dardar la yaab badan ku soconaysa. Waxayna ku celcelinayeen inaanu Dastuurku ahayn mid Soomaaliya u socda Soomaalina ka socda balse uu yahay mid dano kale ka tarjumayo waxyaabo gaar ah oo dalka laga doonayana lagu beegsanayo.
Iyadoo ay sidaas isaga horjeedaan aragtiyada bulshada ee laga qabo dastuurka, walibana dadka dhaliilaya ay aad u badanyihiin, kuwaas oo xitaa ay ku jireen Cullimada Soomaalida oo Shirar tiro badan qabanayay ayaa hadana waxaa la gaaray waqtigii gaba-gabaynta howsha dastuurka waana markii la furay Shirka ansixinta Dastuurka ee Todobaad ka hor la qabtay.
Furitaanka Shirka ansixinta wuxuu sii xoojiyay carada dadka dhaliilayay howshan, waxaana xusid mudan inay maalmihii dhawaa qaybo dalka ka mid ah iyo Caalamkaba ka dhacayeen Shirar lagu dhaliilayo howshan. Aan tusaale usoo qaadano hay’adda Cullimada Soomaaliyeed oo Shir ay qabatay ku cadeysay in ansixinta dastuurku ay tahay howl lagu xaqiijinayo dano ay dad gaar ahi leeyihiin.
Bayaan ay soo saartay hay’adduna waxay ku sheegtay tallooyin ay u direyso gollaha ansixinta Dastuurka iyo cid kasta oo howshaas ku guda jirta, iyadoo halkaana ka cadaysay waxyaabaha ay ku diidayso dastuurka oo ay ku salaysan qodobboaan munaasab ku ahayn diinta iyo danta Soomaalida sida Bayaanku uu qeexay.
“Waa in la saxo qodobada sida tooska ah uga hor imaanaya diinta: sida ;qabashada dumarka dhammaan jagooyinka,gudniinka gabdhaha oo aan fircowniga ahayn oo la ceebeeyay lana reebay,erayga caruur oo lagu qeexay wixii ka yar 18 sano,xoriyadda diinta oo aan xadkeedu caddayn.loona baahan yahay in lasoo cesho faqradii ahayd: Qofka Muslimka ahi kama bixi karo diintiisa.” (2)
Tallooyinka iyo baaqyada ku wajahan ansixiyayaasha dastuurka oo isisoo-taraya ayaa lagu dhawaaqay Shalay in lasoo dhameeyay howshii guddiga ansixinta uu maalmahan u fadhiyay laguna dhawaaqay meel-marinta dastuurka.
Aragtida dadweynaha ayaa meesheeda kasii socotay iyadoo markanina aad usii korortay, waxayna isugu jiraan dadka arrimahan ka hadlaya aqoonyahanno si Shaqsi ah looga waraystay Warbaahinta Caalamiga ah iyo tan gudahaba iyo waliba dad Shacabka ka tirsan oo Wadooyinka, goobaha lagu Qaxweeyo iyo meel kasta oo ay dadku joogaanba ku hadal haya dastuurka cusub iyo ansixintiisa.
Inkasta oo aanay suurtagal ahayn inaan halkan kusoo bandhigo magacyada iyo hadalada dhamaan dadkii aan aragtiyadooda sida tooska ah aniga u waydiiyay ama kuwii iyagoo Warbaahinta ka hadlaya ay dhagahaygu maqleen, hadana waxaan si kooban u xusayaa sida ay u kala dhacaysay aragti-bixinta dadka ee ku wajahan Dastuurka iyo ansixintiisa.
Qaar badan oo dadkan ka mid ah ayaa rumeysan in la galay marxalad aad muhiim ugu ah umadda Soomaaliyeed, iyagoo cod dheer ku oranaya: Waxaa la gaaraya waqtigii dowladnimada, Nabadgaliyada iyo horumarka Soomaaliya!!.
Waxaad dareemeysaa marka dadka sidan fakarkoodu yahay aad la joogtid inuu Geeddigii Nabadda Soomaaliyeed saldhigtay Rugtii uu ku socday oo reerihiina ay reyn-reyn iyo riyaaqsanaan badan helayaan kol dhaw.
“Maanta waa maalintii ugu horeysay ee dowlad dhamaystiran ay yeelanayaan umadda Soomaaliyeed” (3). Waxaan sidaasi ka maqlay Saakay Raadiyaha afka dowladda ku hadla oo soo tabinayay Warbixin ka hadlaysa dastuurka iyo ansixintiisa. Runtiina hadalkan waxaa ila maqlay dadweyne fara badan oo Gaari kuwa dadweynuhu raacaan ah ila saarnaa. Markaasina waxaa niyadeyda kusoo dhacday inay arrintu sax tahay oo howshu ay hagaagtay.
Isla markii aan dhawaqaas farxadda xambaarsan ka maqlay Raadiyaha ayaa waxaa is-dhex qaaday buuq iyo hadalo dood u muuqda oo dadweynaha dhankooda ka imaanaya iyagoo ka hadlaya waxa uu Wariyaha Warka tabinayay sheegay. Qaarkood waa ay ku farxeen, halka qaar kalena ay si wayn uga diideen inay howshu sidaasi tahay iyagoo ku adkeysanaya in wali aanay howshu dhawayn oo dastuurka qudhiisa ay dood ka taagantahay taasi oo la rabo in lagu xisaabtamo halkii la iska indha-tiri lahaa.
Qaar kale oo dadweynaha Soomaaliyeed ah ayaan la hadlay, anigoo Telfoon, Aaladda Internetka ee lagu xiriiro iyo la kullan toos ahba u maray xiriirka dadkaas. Waxayna aragtiyadooda oo kala duwanayd isugu imaanaysay dhaliil iyo dhiirigalin ansixinta dastuurka ku qotonta.
Si kasta oo ay ahaataba waxay dhamaan dhinacyada kala duwan ee aragtida ka dhiibtay dastuurka iyo ansixintiisaba ka simanyihiin lagama-maarmaannimada dastuur dalku uu yeesho iyo dowlad Soomaaliyeed, waxayna taageerayaan in laga baxo waqtiga Kumeel-Gaarka ah oo guul laga gaaro dadaalka ay madaxda dalka iyo dhinacyada kaleba haatan ku jiraan ee lagu dhisayo dowlad dhamaystiran.
Balse dhaliilayaasha dhankooda ayaa waxay muujinayaan inaanay howshu u socon qaab Soomaalida u dan ah laakin ay jiraan waxyaabo qarsoon oo u faa’idaynaya dhinacyo gaar ah, kuwaas oo isugu jira Soomaali iyo Shisheeyaba.
Waxaan kusoo gaba-gabaynaa Faallada Tix gaabaan oo inkastoo aanan ahayn Nin suugaanta curinta lagu yaqiinay hadana waayuhu uu cadaadis ku saaray Maskaxdeyda inay fikirto oo waqtiga aynu joogno ee xasaasi ah wax un ugu darsato.
Waxaan kusoo gaba-gabaynaa Faallada Tix gaabaan oo inkastoo aanan ahayn Nin suugaanta curinta lagu yaqiinay hadana waayuhu uu cadaadis ku saaray Maskaxdeyda inay fikirto oo waqtiga aynu joogno ee xasaasi ah wax un ugu darsato.
Dowladnimada ma aqaan dowga ay ku socoto’e
Da’dayduna ma dhaafsana dagaalada sokeeya’e
Daa’in baan ka sugayaa dalkaygoo hagaago’e
Dastuurkuna xumaan ma leh hadii waafaq uu jiro
Ee dadkeygow iskaashada khilaaf waan ka daalnay
Si un doodda u xaliya nasiibku yuu na diidine
Rugtii daaqu yiilaybay reerkanagu dul joogaan
Ee dib u noqosho yeey iman umaddii dalkeygoow!.
__________________________________________
(1). Sida ku cad heshiiska Roadmap-ka ee ay Saxiixayaasha Soomaalidu dajiyeen waxaa dastuurka haatan la ansixiyay uu shaqayn doonaa Afar Sano isagoo waqtigaas Kumeel-gaar ahaan doona si marka dadweynuhu ay afti guud ugu codeeyaan ka dib uu mid dhamaystiran u noqdo.
(2). Waxaa lagu sheegay Bayaan kasoo baxay hay’adda Cullimada Soomaaliyeed taariikhdu markii ay ahayd 29/07/2012
(3). Waa hadal furitaan u ahaa Warbixin ku saabsanayd ansixinta dastuurka cusub oo Weriye Radio Muqdisho ka tirsan uu tebinayay
Mohamed Abdullahi Dhaaley
Mogadishu-Somalia