“Anniga Ayaan Odhan Karayn Haddii Aannu Nahay Qoyska Reer Faysal Xisbi Ayaannu Ku Wada Biirnay, Sababtoo Ah Ma Xukumo’’ Guddoomiyaha UCID oo Wax Laga Xishoodo ku Tilmaamay Dadka Sheegta inay Yihiin Reer Hebel oo ku Biiray Xisbi
Boorama 07. May 2017 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa wax laga xishoodo, isla markaana ayaan-darro ah ku tilmaamay dadka sheegtay inay yihiin reer hebel oo sida ay u dhan yihiin ku biiray xisbi hebel, arrintaas oo uu ku sifeeyey wax ka baxsan dhaqanka dawladnimada iyo hannaanka dimuqraadi ah.
Eng. Faysal Cali-waraabe oo hadal u jeediyey taageerayaasha xisbiga UCID ee magaalada Boorama, waxa uu tilmaamay in qabyaaladdu si xun u saamaysay bulshada reer Somaliland, una muuqato inay ka awood badatay hay’adaha dawliga ah ee dalka.
“Waa wax laga yaqyaqsoodo inta la soo kaxeeyo afar qof oo qaad doonaya ay yidhaahdaan haddii aannu nahay reer hebel waxa aannu ku biirnay xisbi hebel, waana wax laga xishoodo. Anniga ayaan odhan karayn haddii aannu nahay qoyska reer Faysal xisbi ayaannu ku wada biirnay, sababtoo ah ma xukumo oo dadku waa kala wada jaad-jaad. Dadkaas u nool maanta maxaad cuntaa oo aad ku qayishaa ayaa horta sumcadeenii baabiiyey,” ayuu yidhi Eng. Faysal Cali-waraabe.
Waxaannu intaas ku daray; “Haddii aad maqasho waa laga tegay UCID iyo Faysal Cali-waraabe, anniga akhlaaq-xumo, soo dhawayn iyo waxaas la igagama tago, balse waxa qudha ee la igaga tagaa waa hunguri, anniguna miskiin ayaan ahay oo bahalka (xisbiga) waxa aan ku wada daawaha, anniguna mabda’ ayaan leeyahay oo qofka iska casilay xisbigayga markaaba baabuur Langurusar ah iyo furihiisa ayaa gacanta laga saarayaa, waxaasina waa waxyaabaha aan doonayno in baabi’inno.”
“Dawladnimada aynu ku dhawaaqnay muddada 25-ka sanno ah waxa aynu ku saxaynaa qaladkii aynu samaynay 1960-kii, wuxuuna ahaa qaladkii ugu weynaa ee dhacay qarnigii 20aad. Umad dhan oo dawlad ah oo calan heshay inay iska jibbooto iyadoo aan aqoon shuruucda caalamiga ah oo tidhaahda waxa aannu isku keenaynaa shan Soomaaliyeed oo waxa aannu beddelaynaa xuduudaha caalamiga ah, waxaanan kaga bilaabaynaa Soomaaliya. Jabuuti ayaa iska garatay (oo ka joogtay midawgii Soomaaliya), markaa jacayl inooma gayn oo ismaynaan aqoon (Soomaaliya), kala dhaqan iyo kala lah-jad ayeynu nahay, laakiin waxa ina geeyey doonistii shanta Soomaaliyeed,” ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID.
Waxa kaloo uu ka hadlay dhibaatooyinka dhinaca arrimaha bulshada ah ee ka taagan Somaliland, waxaannu yidhi; “Haddii aad aragto cusbitaaladeena, nin kasta oo dhakhtar ah waxa uu furtay farmasii oo marka uu cusbitaalka guud kugu baadho waxa uu kiish dawo dhacday ah kuugu qorayaa farmasiigiisa, haddii aad aragto inta qof ee la geeyey cusbitaal dalka dibadiisa ah oo laga daadiyey dawooyinka ay dhakhaatiirteennu u qoreen.”
Guddoomiye Faysal Cali-waraabe, ayaa sheegay inuu xidhan yahay xadka u dhexeeya Somaliland iy Jabuuti laga soo bilaabo ilaa markii qaraxyo ka dhaceen hudheel ku yaal magaalada Jabuuti bishii May ee sannadkii 2014.
“Xadkaas xidhan uma xisaabsana dawladeena, sababtoo ah dalkaba kama fekerayso oo qof walba dantiisa ayuu wataa, markaa haddii qofku dantiisa wato yaa wadaya dantii guud,” ayuu yidhi Eng. Faysal.
“Annigu waxa aan mar saddexaad isku sharaxay runta ayaan idiin sheegayaaye waxa aan dalka ka badbaadinayaa Cabdiraxmaan (murrashaxa WADDANI) iyo Muuse Biixi (murrashaxa KULMIYE), waana saaxiibaday oo anniga aragtidayda midna ma leh awood uu dalka ku wado (maamulo). Cabdiraxmaan Cirro haddii uu Madaxweyne noqdo toban kale ayaa u talinaya, markaa yaa dalka u talinaya? Muuse Biixi-na wuxuu ahaa Wasiirul-daakhili, xilkuna qofka wuu muujiyaa oo soo saaraa amma wuu quusiyaa,” ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID.