|

“Annagu waanu kasoo horjeednaa in Turkiga la tago, Turkigu wuu afdubay wada hadalladii Somalia iyo somaliland, 26-feruary yaan la tegin meel uu kasoo galayna garan mayno”Faysal Cali Waraabe.

London:Jan,14,2015(SDN/QJ)-Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa ka Hadlay Wad-hadalladii Somalia iyo Somaliland, isla wax aan la aqbali Karin ku tilmaamay dhaqdhaqaaqyada Suldaan Wabar iyo Cali Khaliif ka wadaan Darafyada dalka.

ina cali warGuddoomiye Faysal oo hadda ku sugan Dalka Ingiriiska, ayaa xusay inay muhiim tahay in danta  shakhsiga ah laga horraysiiyo midda Guud, waxana uu ku adkaystay inaanay jirin cid kala jari karta Somaliland,

“Waxad Mooddaa in Danta shakhsiga ahi dhammaanteed ina waddo, waar ninka yidhi somaliland ma jirto oo waanu ka Baxnay waliba Dawlad Goboleedka inagu sheegay, maskaxdan dadka gashay ee midi leeyahay Awdal baan samaynayaa midna leeyahay Khaatumaan samaynayaa meel ay ka timi garan maayo, somaliland-na waa la wada leeyahay xuduud bay leedahay Haddii ay Somalia ku darsamaysana iyadoo isku dhan bay ku biiraysaa, haddii halkaasay joogaysaa haddii kalena nin Gobol Gobol u goosanayaa ma jiro” ayuu yidhi Guddoomiye Faysal cali waraabe.

Guddoomiye Faysal waxa u ka hadlay Wada-hadallada Somaliland la leedahay Somalia, waxana uu tilmaamay inuu si cad uga soo horjeedo tallaabada Turkigu ku dhexdhexaadinayo labada dhinaca, waxana uu su’aalo geliyey Halka turkigu arrinta kasoo galay, waxana uu yidhi,

“Annagu waanu kasoo horjeednaa in Turkiga la tago, Turkigu wuu afdubay wada hadalladii Somalia iyo somaliland, 26-feruary yaan la tegin meel uu kasoo galayna garan mayno, waayo Midowga Afriga, midowgay yurub kuma jiro  midka carabtana kama socdee xaguu ka socda, Arrintaasna waxan doonayaa inaanu ka wada Hadalno markaas turki dambe oo la tegayaa ma jiro.”

Guddoomiye Faysal waxa uu sheegay inuu si  buuxda u taageersan yahay in Djibouti dhexdhexaad ka noqon karto wada Hadallada, isagoo carrabka ku adkeeyey in Turkigu dhaqaale iyo deeqo waxbarasho ku Harqiyey Muqdisho, halka aanu somaliland u qabanin wax la sheegi karo, waxana uu yidhi,

“Djibouti oo waddan Somalia ah IGAD-na ah oo arrimaheena wax ka qaban kara ayaanu ku shiraynaa, laakiin turki dambe maya. $360-milyan oo dollar buu geliyey Somalia, 1500-deeqo waxbarasho ayuu siiyey, inagana Afar Ambullance buu ina siiyey ma afartaas buu doonayaa inuu inagu dhex dhexaadiyo, yeelimayno”

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa kamid ahaa Wufuuddii ugu horraysay ee Somaliland ugu qaybgalay wada-hadalladii ka qabsoomay dalka Turkiga, balse kuwii dambe laguma darin, waxana dhawaanahan uu dhaliilsanaa hannaanka loo wado Wada-hadallada loo wado.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed