“Annagu maamul baanu ahaanaynaynaa oo Somaliland baa nala yidhaahdaa Dawladda Federalka ahna Hebel iyo Hebel oo Reer Hebel ah ma doonayno, waxoogaa waa iskukaaya qaban weyday…” Madaxweyne Xasan Sheekh.
Garowe:May,03,2015(SDN/QJ)-Madaxweynaha Dawladda Federal-ka Somalia Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka Hadlay natiijada ka dhalatay wada-hadalkii Dawladdiisa iyo Dawladda Somaliland usoo socday, waxana uu tilmaamay inuu rajo ka qabo inuu wada Hadalku mardambe bilaabmi doono.
Xasan Sheekh Maxamuud oo la hadlayey Telefishanka Somali Channel, ayaa sheegay inay jirto Baahi loo qabo in wada-hadalka Mabaadii guud loo samaysto si isfahamku usoo baxo, waxana uu xusay in wada hadalka labada dhinac ku salaysnaa Laba maamul oo is horfadhiya
“Somaliland waa run oo dadkii waftiga somalia katirsanaa ee wada-hadalkaas ka qaybgelayey ayey dhib ka mujiyeen, laakiin annagu waa fikir duwanahay, wada hadalka marka la gelayana mabaadii guud oo wada hadalku ku salaysan yahay waa inay jirtaa, annagu waxanu qabnaa Maamulka Somaliland iyo Dawladda Federalka laba maamul oo wada Hadlaya ayaanu ahayn”ayuu yidhi Madaxweyne Xasann sheekh.
Madaxweynaha oo Hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay inay wada-hadallada labada dhinaca ku salaysnaayeen Somaliland oo Midnimada kasii cararaysay iyo Dawladda Federalka oo heegan ugu jirtey sidii ay dib ugu soo celin lahayd, waxana uu yidhi,
“Waxanu u wada Hadlaynayna Dawladdii dhexe oo doonaysa Dawladda Somaliland oo sheegbaatay inay Midnimadii ka baxday sidii aanu dalkii iyo midnimadii dib ugusoo celin lahayd, Dadkan ay wax ka sheeganaysana Dawladda Federalkay ka tirsan yihiin.”
Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in jiraan Laba waddo oo u bannaan wada-hadalka labada dhinaca oo ay tahay in la raaco, waxana uu diiday cudurdaarka somaliland ku deedafaysay inay la fadhiisato xubno Dawladda Federalka ka tirsan oo Goboleeda kasoo jeeda, waxan uu yidhi,
“Annagu walaalaheen Aragtidooda waa xishmaynaynaa iyo sida ay wax u arkaan laakiin laba waddo inaan mid qaadno, ayaan u sheegnay, waa inaan qaadnaa waddadaas Dawladdnimada oo laba maamul iyo laba dawaladood oo somalia wada ah oo wada Hadlaya aan noqono oo sidaas mushkiladdii lagu xalliyo iyo Dawga labaad oo ah dad soomaaliyeed oo kala irdhoobay oo wax kala galeen oo qaab qabiil iskugu imanaya waa Daw kale. Laakiin annagu maamul baanu ahaanaynaynaa oo maamulka Somaliland baa nala yidhaahdaa Dawladda Federalka ahna Hebel iyo Hebel oo Reer Hebel ah ma doonayno waxoogaa waa iskukaaya qaban weyday si hoosena waa ugu sharraxnay.”
SDN/QJ