|

“Annaga oo 15-kan Xildhibaan ah Ma Jiro Mooshin aannu ka gudbinnay Maayerka degmada Gabiley..” DAAWO

Gabiley 29. June 2017 (SDN/QJ):- 15 Xildhibaan oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha degaanka degmada Gabiley, ayaa sheegay inaanay Mooshin ka dhan ah Maayerka oo qaar ka tirsan Xildhibaannadu shaaciyeen inay ka gudbiyeen aanay iyagu qayb ka ahayn ee magacyadooda lagu daray Liis aan waxba laga weydiin, isla markaana aanay ku jirin iyagu wax mooshin ah oo Maayerka Gabiley Maamuuska lagaga xayuubinayo.

Waxay Xildhibaannadan 15-ka ah ee Golaha degaanka degmada Gabiley ka tirsan oo Maanta Shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Gabiley, ayaa sheegay in Magacyadooda laga been-abuuray, Mooshinkaasina yahay mid aanay ku jirin oo aan Sharci ahaan sax ahayn, waxaanay Mudanayaasha soo oogay ku eedeeyeen inay cid kale oo dano gaar ah lihi dabada ka riixayso.

Xildhibaannadaas ku dooday inaanay qayb ka ahayn Mooshinka Mudanayaasha ka horreeyey shalay sheegeen inay ka gudbiyeen Maayerka oo ah Guddoomiyaha golaha degaanka Gabiley Maxamed-amiin Cumar Cabdi, Shirkooda Jaraa’id ee ay ku qabteen Gabiley Maanta, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

Comments are closed