|

Ankara: Mid ka mid Hoggaamiyeyaasha ugu sareeya ee ka horjeeda Madaxweyne Bashaar al-Assad oo taageero u raadinaya midaynta kooxaha Mucaaradka, muxuuse kala hadlay Turkiga?

Ankara 26, July 2012 (SDN)- Brigadier Gen. Manaf Tlas oo ka mid ah xubnaha ugu sareeya ee ka horjeeda nidaamka Madaxweyne Bashar al-Assad, ayaa Khamiista maanta la kulmay wasiirka Khaarajiga dalka Turkiga oo ah wadan xooggan oo deris la ah Siiriya.

Wasiirka Khaarajiga Turkiga Mr. Ahmet Dayutoglu oo dawladdiisu isu taagtay hawl kasta oo ka dhan ah hoggaaminta Madaxweyne Asad ee Siiriya, waxa uu  magaalada Ankara kula kulmay Gen. Tlas caasimadda dalka Turkiga ee Ankara.

Wasiirku waxa uu sheegay in Gen. Tlas tegay Ankara, isla markaana uu kulan afur ah oo uu u sameeyay kula yeeshay guriga martiqada, inkastoo aan kulankaas wax war ah laga soosaarin.

Madaxweyne Bashar al-Assad oo 1999 la sawiran Brigadier General Manaf Tlas oo haatan taageero u raadinaya sidii meesha looga saari lahaa maamulka Siiriya

Siday ku warantay wakaalada wararka Reuters, Jeneral Tlas waxa xilli hore laga soo xigtay inuu sheegay in uu isku-dayayo in lagu gargaaro midaynta mucaaradka kala-daadsan ee Siiriya ee ku sugan gudaha iyo dibadda dalkaas, si ay u aqbalaan jidka nabadda ee wareejinta awooda.

Brigadier Gen. Manaf Tlas oo isagoo ku sugan magaalada Jiddah ee Sucuudiga, waxa uu sidoo kale sheegay, inuu taageero ka raadinayo Sucuudi Carabiya iyo dawladdo kale. “Waxaan kala xaajoonayaa, in dadka ku sugan dibadda Siiriya ay tanaasul gaadhaan la gaadhaan kuwa dalka ku sugan (ee mucaaradka ah),” ayuu Gen. Tlas u sheegay caddadkii Khamiista ee wargeyska Sucuudiga Asharq al-Awsar.

Qurbejoog.com, Ankara

Comments are closed