|

”Aniguna Nin Xasarad Yar Maan ahayn,Haddana Abtiyaashay intaa way i Difaacayeen uun” Gudoomiye Muuse Biixi DAAWO

Hargaysa, 06.Dec 2015 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha, ahna murrashaxa madaxweynaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa Casuumad casho sharaf la isku arkay ah loogu sameeyey huteelka Star ee degmada Maxamuud Haybe ee koonfurta magaalada Hargeysa xalay.
Casuumaddan oo uu sameeyey Gancsade Cismaan Cabdi Xasan oo ah mulkiilaha shirkadaha ganacsiga Star Group, waxa ka qaybgalay madaxdhaqameed uu horkacayey Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, wasiirro, agaasimayaal iyo maareeyayaal ka tirsan madaxda xukuumadda, siyaasiyiin, ganacsato, dhallinyaro iyo marti sharaf kale oo dhammaantood ka soo jeeda deegaanka Koonfurta Hargeysa (Ciidagale), kuwaas oo soo dhawayn iyo bogaadin ku qaabilay Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi murrashaxnimada jagada madaxweynenimo ee xisbiga KULMIYE loogu doortay dhawaan.
Oday Aabi Xujaale oo ku hadlayey afka ganacsade Cismaan Cabdi Xasan, ayaa uga mahadceliyey murrashax Muuse Biixi iyo martida kaleba ka qaybgalka casuumaddaasi.
Chief Caaqil Cabdiwali Jaamac Cabdi iyo Chief Caaqil Cabdirisaaq Maxamed Askar, ayaa iyaguna hadallo bogaadin, hambalyo iyo duco ah ku qaabilay murrashax Muuse Biixi Cabdi, waxaanay isku raaceen in ducada abtigu tahay mid kacda oo aan loo warwayn.

Sidoo kale, Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah Kaysar Cabdillaahi Maxamed, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Maxamed Xuseen Dhabbeeye, La-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha Bulshada Maxamed Iid Dhimbiil iyo Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee KULMIYE Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac-shabeel) oo iyaguna khudbado ka jeediyey casuumaddaasi, ayaa mahadcelin ay siiyeen ganacsade Cismaan Cabdi Xasan ka sakow waxay dhammaantood ka dhawaajiyeen in iyaga oo ka mid ah xubnaha ku jira xisbiga KULMIYE ay horeba u sahamiyeen madaxtinimada Muuse Biixi Cabdi oo ay ku doorteen shirkii golaha dhexe ee xisbiga, isla markaana waxay ka wada markhaati kaceen inuu yahay nin dalka iyo dadkaba ku leh abaal oo halgan dheer u soo galay Jamhuuriyadda Somaliland xoraynteedii, dhismaheedii ilaa horumarinteedii, sidaasi darteedna waxay soo jeediyeen in laga wada shaqeeyo sidii Madaxweynaha mustaqbalka loogu dooran lahaa murrashax Muuse Biixi.

“Muuse innagu waa in aynu ku garab istaagnaa masuul aad garanaysaan, idiin dhashay, isla markaana ilaa maalintii aynu dhibaatooyinka adag ku jirnay inala soo halgamayey, dhammaanteenna waa in aynu ku dooranaa halgankii dheeraa ee uu inoo soo galay, waa masuulka ugu mudan saddexda murrashax muuqda, waana in aynu abaalkaa eegnaa. Waxaanan rajaynayaa inaad soo dhawayn doontaa, garab iyo gaashaanba siin doontaa.” Sidaa waxa yidhi Wasiir-ku-xigeenka Ganacsiga Mr. Kaysar.

muuse biixiUgu dambayntii, Guddoomiyaha, ahna murrashaxa madaxweynaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa si wayn uga mahadceliyey casuumadda loo sameeyey iyo taageerada sharaftu ka muuqato ee abtiyaashii u muujiyeen oo uu xusay in ducooyinkoodii horeba loo aqbalay oo uu guulo ku gaadhay, waxa kaloo uu ka mahad sheegtay marar badan oo xubno ka mid ah beesha abtiyaashii isbarbartaageen. Isagoo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi, “Sidaa aad tidhaahdeen baa inoo ballan ah oo duco, wadatashi iyo wax wadaqabsi, laakiin hal ayuun baan anigu is leeyahay waa guul haddii aad hesho, waxaan is waydiiyey abtiyaashaa kuu duceeye oo dhawr iyo soddon sanno oo jabhad, buuq iyo siyaasad ku jirtay, aniguna nin xasarad yar maan ahayn, haddana abtiyaashay intaa way i difaacayeen uun oo mar walba meel ay joogaanba gar la igama helin oo la iguma canaanan, abtiyaashay weligood eray xun imay odhan ilaa Qaaxo, halkan iyo meeshaad tagaba qofkii i arkaaba abti, ina abti iyo habaryar ayuun buu yidhaa.

Dhawr iyo tobankaa sanno ee aan KULMIYE ku jirayna mar qudha abtiyaashay hiilkooda maan waayin, saddex jeer oo aan tartan cod gacan taag ah xisbiga dhexdiisa aan galay, shirkii Ambassador ee Guddoomiye-ku-xigeenka, kii Burco iyo shirkii u dambeeyey ee murrashaxa la iigu doortay intaba mar qudha abtiyaashay intii ku jirtay xisbigu igamay baydhin, weliba markay sii adkaatana way igu soo wada hadhayeen, markaa raggii iyo hablihii xisbiga ila joogay waxaad ogaataan abtiyaal inay sidaa idiin matalayeen.”

Guddoomiye Muuse Biixi oo hadalkiisa sii wataa waxa uu ku kaftamay, “Haddaba, haddii mid la helo ayuun baan abtinimada xaqiijinayaa, qofka bani’aadamka ah laba goor ayuun baa la yidhaa yaa dhalay, mar waxa la yidhaa waar ninkaa yaa dhalay? Marna waxa la yidhaa waar kan yaa dhalay? Ninku hadduu yahay ganacsade fiican, talo-qabeen, qaadi, geesi dagaallamaya, abwaan iyo ninkastoo laga mamsuudo arrinka ka yimaada waxa la yidhaa waar ninkaa yaa dhalay? Intaa ka soo horjeedkeeda, ninku markuu qalad sameeyana waxa la yidhaa waar kan yaa dhalay? Markaa waxaad iigu ducaysaan in ninkaa yaa dhalay aan noqdo, taas ayaa idinkana idiin magac ah, if iyo aakhirana inoo wada wanaagsan,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Murrashax Muuse Biixi.

Comments are closed