|

‘’Anigu Waxan Odhan Lahaa Keliya Cabdiraxmaanow Halka Aad Xoqaysaa Maaha Meel Siyaasad Laga Doono Ninkii ka Doonaana u malayn maayo inu ku macaashi doon,Muuse Biixi Laftiisa..’’ Cali Guray

Hargaysa 30. December 2016 (SDN/QJ):- Siyaasiga Cali Maxamed Yuusuf ‘’Cali Guray’’ ayaa uga Digay Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda ahna Murashaxa Xisbiga Waddani ee doorashada Madaxtooyada inaanu Siyaasad ka dayin inuu Xadanteeyo eeda Dagaalkii Sokeeye ee Somaliland ka dhacay 1994kii Isagoo intaas ku daray in Siyaasi kasta oo Godkaas ka eega Siyaasadu in aanu ku Macaashi doonin ee uu Guul daro kala hoyan doono.

Sida uu Cali Guray ku Faafiyey degelka uu ku Leeyahay Shabakada Xidhiidhka Bulshada ee Facebook waxa uu ku sheegay in Gudoomiye Cirro aanu Joogin dalka xiligii uu dhacay dagaalkii Sokeeye waxaanu Qoraalka Cali Guray oo dhamaystirani u dhignaa Sidan:- ‘’Dhidar xabaal qoday qudhun buu uga dhacaa ayuu noqonayaa Hadalka Cabdiraxmaan, gaar ahaan inta ku saabsan ama khusaysa dagaaladii Sokeeye ee dalka ka dhacay oo aanu midna Caabdiraxmaan dalka joogin markii ay dhacayeen. Anigu waxan odhan lahaa keliya Cabdiraxmaanow halka aad xoqaysaa maaha meel siyaasad laga doono ninkii ka doonaana u malayn maayo inu ku macaashi doono. Dembiilena waxa noqda qof maxkamad sharci ah horteeda uu kaga cadaaday oo lagu xukumay. Hadal qof yidhi dembiile laguma noqdo.

Dagaaladii sokeeye waxay ahaayeen nasiib darro inagu wada dhacday intii dhimatayna way inaga wada dhimatay. Adigu sidii ay wax u dhaceen xogogaal uma tihid lakiin hadalkaaga waxa laga dhadhamin karayaa in masuuliyadii oo dhan aad cid gaar ah ku moosayso mana jirto taasi ee waad qaldantahay. Waxan kugula talin lahaa ha ka dhigan kaadh aad shacbiga Somaliland taageero kaga doonto waayo in badan oo xogogaal ah ayaa nool. Waxa ka mid ah in badan oo xisbugaaga ka tirsan oo kaaga xogogaalsan oo aan kugu raacsanayn tafsiirka qaldan iyo sawirka beenta ah ee aad siisay wixii dhacay.

Hadii aan sua’aal keliya kaa waydiin lahaa waxay noqon lahayd 15kii November 1984kii ayay xabadii ugu horeeysay ka qaraxday Caasimadda eh halkeey ka bilaabantay, yaa riday xabadii ugu horaysay yaase lagu riday? kamana jawaabi karaysid. Mar kale waxan ku leeyahay ha xoqin meel aan kuu xoqmayn yaan Maryo Aloolka ku taageersani kaa dareerin eh. Ku darsoo anigu Maryo aloolna maan ahayn, Maleeshiyana maan ahayn, markii la is abaabulayayna shaqadaydu waxay ahayd oo aan ka shaqaynayay ABAABUL-KA-SAAR waanay kula joogaan markhatiyadii oo Maxamed Baaruud Cali oo Wasiir ahaa baa ka mid ah iyo Mujaahidiintii Gt Sayid Cali ee aan dhinacna raacin Hargeysana aanu wada joognay, gaar ahaan kuwii ka soo jeeday Beeshaada ee Garxajis.

Muuse laftiisa waxan kula talin lahaa in aanu si toosa iyo si dadban midna uga jawaabin hadalka Cirro waayo uma baahna

Wa Bilaahi Tawfiiq

Comments are closed