“anigu wasiir baan ahay oo waxan taageersanahay madaxweynahahayga isagaana musharax ii ah isaaagan taageersanahay.” Wasiir xirsi
Hargeysa:may,29,2014(SDN/QJ)-Wasiirka wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Xirsi cali Xaaji Xasan iyo waftigii uu hoggaaminayey ayaa maanta dalka lagu soo dhaweyey.
Wasiir Xirsi ayaa ka warbixiyey ujeeddada safarkii isaga iyo waftiga uu hoggaaminayaa ay ku soo mareen Wadamada Maraykanka iyo Canada, waxana uu ku tilmaamay mid looga gol lahaa sidii loo xoojin lahaa Qaadhaanka ay qurbejoogga Somaliland ugu deeqayaan waddada ceerigaabo.
Wasiirka ayaa sheegay inay meel fiican u marayso hawshii qaadhaan ururintu, isla-markaana ay gacanta ku hayaan lacago fiican oo wax weyn ka tari kara hawsha waddadu u baahan tahay.
Waxa kale oo uu wasiir xirsi ka hadlay Muranka ka aloosan xisbiga kulmiye dhexdiisa, isagoo xusay inuu si cad u taageersan yahay Hoggaanka Dalka oo ah madaxweyne Siilaanyo.
Waxa uu xirsi sheegay in cid waliba ay xaq u leedahay inay musharax noqoto, balse uu si buuxda uu taageersan yahay Madaxweynaha oo uu ku sheegay inuu sharraxan yahay.
“qof waliba xaq buu u leeyahay waxa uu ku dhawaaqayo laakiin anigu wasiir baan ahay oo waxan taageersanahay madaxweynahahayga isagaana musharax ii ah isaaagan taageersanahay.” Ayuu yidhi Wasiir xirsi.
Waa markii ugu horraysay ee uu wasiir xirsi si cad u shaaciyo inuu madaxxweyne Siilaanyo yahay musharrax, waxana ay arrintaasi muran ka dhex dhalisay hoggaanka sare ee kulmiye iyo xukuumadda oo isku maan-dhaafay.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com