|

“Anigu Somaliland Kama Rabo Xil Wasiirnimo, Baabuur Iyo Dhaqaale Kale Ee Waxaan Ka Rabaa Inay Ixtiraamaan In Khaatumo Maamul Yahay,Way Ogolaadeen,Laakiin Reer Buuhoodloow Qabyaalada iska daaya” Cali Khaliif DAAWO

Buuhoodle 19.Aug 2016 (SDN/QJ):-Dr. Cali Khaliif Galaydh oo ah Hoggaamiyaha Kooxda la baxday Khaatumo, ayaa sheegay in Wada-hadallada u socda Kooxdiisa iyo Somaliland ay yimaaddeen markii Somaliland ixtiraamtay jiritaanka waxa uu ugu yeedhay Maamulka Khaatumo State.

Cali Khaliif oo Xalay ka hadlayey Munaasibad lagu qabtay Buuhoodle, ayaa sidoo kale ka hadlay Qabyaalad uu sheegay inay Biyo-dhigtay Dadka ku dhaqan Magaalada Buuhoodle, kuwaasi oo jilib-jilib u qaybsan.

Hogaamiyaha Kooxda Khaatumo Prof Cali Khaliif Galaydh ayaa Muujiyey in Lagu Takooray Magaalada Buuhoodle Isla markaana Waxa uu Sheegay in hore ay ugu baaqeen Dagaal in la isaga dul qaado Cidii Maamulkooda Cadaw ku ah hasa yeeshee ay Taasi Socon weyday waxaanu intaas ku daray in Maanta oo ay u taagan yihiin Sidii Ubadku u heli lahaa Waxbarasho iyo Nabadgalyo laga soo hor jeestay,Taas oo Salka ku haysa sida uu Xusay Wada hadalka uu Maamulkiisu la furay Somaliland

Comments are closed