“Anigu maan odhan cabashada reer Awdal Annaga Hanalla soo mariyo’e, waxanse doonayey inay Cabashadoodu noqoto qaab Deegaan oo aanay noqon Qaab Beeleed.” Boqor Buur Madow
Hargeysa:Sep,24,2014(SDN/QJ)-Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow oo kamid ah Madax-dhaqameedka Reer Somaliland ee muxaafidka ah, ayaa Bayaamiyey Hadal uu hore u yidhi oo xanaf ku abuuray shacabka iyo waxgaradka reer Awdal.
Boqor Cismaan oo shalay u warramay Qaarka mid ah Warbaahinta dalka, ayaa sheegay In ujeedadda uu hadalkaas u yidhi ay ahayd in Reer Awdal wixii ka maqan ku raadsadaan qaab Deegaan oo aanay ku doonin hannaan Beelnimo.
Boqorka ayaa sheegay inuu Ra’yi ahaan aaminsan yahay in Somaliland haatan ka Gudubtay Habkii beelaha, isla-markaana ciddii wax tabanaysaa ay deegaan ahaan ku hadasho,
“Anigu maan odhan cabashada reer Awdal Annaga Hanalla soo mariyo, waxanse doonayey inay reer Awdal Cabashadoodu inay noqoto qaab Deegaan oo aanay noqon Qaab Beeleed. Wax walibana inay ka Beeloobaan baan diidanaa, waxana aan qabaa inaynu ka Gudubnay Beelo.” Ayuu yidhi Boqor Cismaan buurmadow.
Boqorka ayaa sidoo kale tilmaamay inay Haboonayd in Reer Awdal ay Cabashadooda mariyaan hab jaran-jarro ah oo ay u wanaagsanayd in Madaweyne-ku-xigeenka iyo wasiirrada ay Xukuumadda ku leeyihiin ay sii dhex mariyaan cabashada ay qabaan, halka ay iyagoo isku dhan madaxweynaha u cawdeen,
“ilaa madaxweyne-ku-xigeenkii baa jooga oo wasiirradii baa joogaa, markaa haddii meesha khalkhal ku jiro ragga dhigooda ah inay arrinta soo mariyaan ayuun baan sheegayey laakiin intay beeli soo dhaqaaqdo oo hadba xukuumadda Beel ahaan wax looga Tirsado ayaan diidayey.” Ayuu yidhi mar kale Boqor Cismaan.
Boqor cismaan Aw Maxamuud Buurmadow, ayaa hore u sheegay hadal ay si weyn uga cadhoodeen Waxgaradka iyo shacabka ku dhaqan deegaanka Awdal, waxana uu hadalkaas ula jeeday Cabasho ay hore waxgaradka deegaanada Galbeedka Somaliland ku nooli ugu jeediyeen Madaxweynaha, taas oo salka ku Haysay dhinaca saamiqaybsiga oo uu boqorku sheegay mid aanay xaq u lahayn inay madaxweynaha ula tagaan.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com