|

“Anigu Ma Garanayo Waxa Shakiga Loo Gelinayo Doorashadu Inay Dhacayso..” Cabdillaahi-Jawaan

Hargaysa 10. October 2016 (SDN/QJ):- Siyaasiga Cabdillaahi Jawaan oo hadda ah la taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee Arrimaha Doorashooyinka, ayaa in aanay jirin Sabab dib u dhigi karta Doorashada Madaxtooyada ee ku muddeysan bisha March, 2017-ka.

 

JAWAANCabdillaahi-jawaan oo saxaafadda ugu warramayey Magaalada Hargeysa, ayaa sidoo kale ka hadlay Diidmada Beesha Caalamku ka muujisay in la kala qaado Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada, waxaanu tilmaamay in Somaliland tahay Qaran u Madax-bannaan hawlihiisa.

 

Cabdillaahi-jawaan oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi, “Waxa Shakiga loo gelinayo Doorashadu inay dhacayso Anigu ma garanayo, Waayo? Waakii Madaxweynuhu sheegay oo way dhaceysaa, wax baajinayaana Aniga iima muuqato.”

 

La taliyaha Madaxweynuhu waxa kale oo uu sheegay in Somaliland qabsatay Hawlo badan oo aan Beesha Caalamku ku lug-yeelan, sidaa daraadeedna aan xilligan waxba looga baahnayn hadday diidaan Gacanta ay ka geystaan Doorashooyinka Somaliland, “Waxaynu qabanay Aftidii Dastuurka, Beesha Caalamka waxba gacan kamay geysanin, waxaynu qabanay Doorashadii Golayaasha deegaanka, Beesha Caalamku waxba gacan kamay geysanin, waxaynu qabanay Doorashadii Madaxtooyada, Beesha Caalamku waxba gacan kamay geysanin, intaas oo dhan Beesha Caalamku waxba kamay qabanin oo Somaliland baa wadday. Beesha Caalamku waxay Gacan geysteen Doorashadii baarlamaanka, waayo? Waxaanu wakhtigaa goosanay Maaddaama oo aynu qabanay Aftidii Dastuurka lagu ansixiyey iyo Doorashadii Goleyaasha deegaanka oo Culays badani innagu dhacay inaynu Gacan weydiisanno Dawladaha Qaadhaanka bixiya, way naga caawiyaan, sidaas ayaanu ku qabanay doorashadii Golaha Wakiillada.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Imika Qabashada Doorashada iyo Dib u dhigisteedaba Anigaa Qaran ah oo u Madax-bannaan, xilkaasina wuxuu saaran yahay Komiishanka Doorashooyinka Qaranka, markaa Doorashadaasi markii ILAAHAY uga talo-galay ayay dhaceysaa.”

Comments are closed