|

“Anigu kursigaa Dhaliisha Iyo Cayda Leh Waan Ogollay, Laakiin Ma Ogoli Qofka Wax Aanuu Geyin In Laga Qoro Oo… ” Marwada Madaxweyne Siilaanyo

Berbera 12.Dec 2015 (SDN/QJ):-Marwadda Madaxweynaha oo magaaladda Berbera kaga qayb gashay shir lagu xusayay xuska maalinta xuquuqda aadamaha oo urur dhalinyaro soo qabanqaabiyay ayaa saxaafadda ugu baaqday inay dhawraan xuquuqda dadka ay wax ka qorayaan si tooda loo ilaaliyo, isla markaana waxay ku tirtirsiday weriyayaal ay sheegtay inay macalimad u ahayd, in aqoontii la baray ay ku soo ilaaween musqusha.

aamina Weris Marwo Aamina Weris waxay madashaa ka sheegtay in markii hore ay ka cudur daaratay ka qaybgalkeeda, balse ay markii dambe u aragtay meel ay ka odhan karto wax ay ugu yeedhay, kelmad ay u ciil qabtay inay tidhaahdo, sidaana ay kaga qayb gashay.

Marwo Aamina waxay intaa ku dartay oo ay tidhi; “ Dadku had iyo jeer waxay yidhaahdaan Aamina caafimaadka ayay baratay oo ku shuqul leedahay, waa run  laakiin laba taqasus oo kale ayaan leeyahay. Middi waa xaququuqul isaanka (Human rights), oo labaatan sanno waxaan ka shaqaynayay ha’yaddaha xaquuqul isaanka, qalbiga iyo laabta ayuu xuquuqal insaanku igaga daabacan yahay. Ta kale saxaafadda shan sanno ayaan la shaqaynayay, waanan bartay,  Inamadeena saxaafadda Somaliland qolooyinkan yar-yar maaha ee kuwa iyaga ka yara roon, macalimad baan u ahaa. Xaquuqal isaanka adduunku ku dhaqmo Somaliland way saxeexday, bahdaas ayaynu ka mid nahay, waana waajib ina saaran oo dastuurkeena ku yaala. Xuquuqda qofka bani,aadamka ahi waxay ka bilaabataa nabadgelyadiisa, waxbarshadiisa, caafimaadkiisa, haddaba sartu halkee ayey ka qudhantay. Waxa weeye marka xaquuqda loo arko uun qofka madaxda ahi waxaasuu sameeyay.Haddii qofka madaxda ahi jebiyo xaquuqal insaanka qofka bani’aadamka, isaga ayaa u qoollan.”

Waxay xustay in sidaasoo kale muwaadinka kale laftiisa, shaqaduu doono ha hayee looga baahan yahay inuu dhawro xuquuqda dadka kale, isla markaana waxay sheegtay haddii la naqdiyo qof masuuliyad umadda u haya oo lagu naqdiyo masuuliyadduu umadda u hayay, inay taasi tahay mid sax ah, balse ay khalad tahay in qofka shakhsiyadiisa iyo cirdigiisa la caayo oo toos loo aflagaadeeyo. Marwo Aamina Weris waxa kale oo ay ka hadashay isu dheelitirka wararka saxaafaddu faafiso, isla markaana waxay ku doodday, in saxaafadu iska hubiso wararka ay faafinayaan oo aanay baahin war aanay cadayn Karin runnimadiisa, haddii ay dhinac war ka helaanna uu marinku yahay inay dhanka kalena xaqiisa siiyaan oo waydiiyaan wuxuu iskaga difaacayo warkaa lidku ku ah. Marwo Aamina Weris oo arrimahaa ka hadlaysaa waxay tidhi; “Inamada saxaafada ayaan eray keliya ka odhanayaa, eraygaasi wuxuu yahay anigoo idin hambalyaynaya, anigoo u doodda xuquuqda iyo mihnadda saxaafadda oo ah rukunka afraad ee dawladinmadu ku fadhido, oo hadaynaan saxaafad dadka hagta, tilmaanta, dadka ogaysiisa hawlahoodu siday u socdaan, dalkaasi haddanuu lahayn maaha dal jirra.inamadda saxaafadda  ee ardaydayda ahaan jiray had iyo goor waxaan ku idhaahdaa, Eeddo wixii aanu idiin dhignay iyo wixii aanu idiin sheegnay ma intaad liqdeen ayaa musqusha gayseen, ilayn kuma dhaqantaane.”

Marwo Aamina Weris oo hadalkaa sii waddaa waxay tidhi; “Waayo, had iyo jeer xogtaadu haddii maxkamad lagu taago mid aad isku difaaci karto, oo aad odhan karto waa taa cadaynteedii ha ahaato, wuxuu  odhanayaa illo looga qaateen ah ayaa igu yidhi ee ma sheegayo. Midna waan ogolahay oo waxaan ogolahay, shan kuuliya ka u madaxda ah ama ha ahaado madaxweynaha qaranka ama ha ahaado wasiirka ama ha ahaado nin meel madax ka ah, kursigaa dhaliisha iyo cayda leh taa waan ogolahay, laakiin waxaanan ogolayn qofka wax aanuu geyin iyo wax aanuu ahayn qorista laga qoraayo ee laga sheegayo ee lagu tilmaamayo. Markaad tidhaahdo muxuu xaday hebel, waxa lagu odhanayaa dhawr qof oo kala jaad ah baa igu yidhi wax buu xaday, dee ma soo cadaynaysaa?”

Marwadda Madaxweynuhu waxay intaa raacisay oo ay tidhi; “Markaa Eeddo inamadda saxaafadda waxaan leeyahay, markaa waxaa qoraysaan, xuquuqdiina ayaanu anana balanqaadaynaa in aanu ilaalino, qof saxafiya in cadaalad darro lagu xidho waa khalad, laakiin idinna marka hore waxa laydinku xidhaayo ka taxadirra, oo dadka hayska maagina, oo hay,adaha hayska maaginna oo dalkeena sumcad xumo ha u soo jiiddina, taasaan idinka codsanayaa. arrintana waxaan ula ciil qabay maanta idhaahdo labadaa eray, xuquuqda aan wada ilaashano, aniga taydii waa taa oo in aan idinku gefo ma rabo,e qofka iga soo horjeeddana gefku muxuu yeelayaa, halkuu kaga dhacayaa?. Websiteyada qaar baa u samaystay siday wax u caayi lahaayeen, caydu waxa la yidhi colaadna wax kaagama tarto, nabadna way kaa kaxaysaa, markaa qofka website, TV, Jaraa,id u samaysanaya inuu wax caayo cid muu caayin ee isagaa is caayay. Eeddo waxaa tihiin mustaqbalkii qaranka, saxaafadda iyo siyaasadu waa laba isku xidhan, had iyo jeer suxufigu siyaasad uun buu ku dambeeyaa, qofka suxufiga ah ee siyaasaddii fahmi waaya ee khalad uun u arka hadhowto mustaqbalkiisuun bay wax u dhimaysaa, markaa mustaqbalkiina iyo mustaqbalka aad dalka ka leedihiin hogaamintiisa ilaashada oo mihnaddiina u isticmaalla wax fiican, wax dalkiina wax u taraya, wax shakhsiyadiina wax u taraya.”

Comments are closed