“Anigu Kama tegin W/Maaliyadda ee waa la iga eryey.. Waxaan wax ka bartay Wakhtigii Cigaal..” Maxamed Xaashi DAAWO
Hargaysa 03. February 2017 (SDN/QJ):- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa Talooyin ku saabsan halka uu Sicir-bararka Suuqyada Somaliland saameeyey salka ku hayo, sida wax looga qaban karo iyo qaabka dhaqaalaha dalka kor loogu qaadi karo u soo jeediyey Xukuumadda, isaga oo saddex qodob ku tilmaamay inay sabab u yihiin Sicir-bararka iyo kor u kaca qiimaha Doollarka.
Maxamed Xaashi oo u warramay Barnaamijka Hal-adayg ee Horn Cable TV, waxa uu saddexdaa qodob ku sheegay inay yihiin Jaadka Lacagta adag lagu beddelayo ee maalin walba dibedda dalka Malaayiinka Doollar u baxayaan iyo Shaqaalaha dawladda oo Lacag badan oo Shilin Somaliland ah uu sheegay inay Doollar ku beddeshaan iyo weliba Masuuliyiinta Xukuumadda oo Safarrada Lacag badan uu sheegay inay ku qarash-gareeyeen, isla markaana Lacagtaasi marka ay ka baxdo Qasnadda dawladda Suuqa la galo oo lagu beddelo Doollar. Waxa kale oo uu ku teliyey Maxamed Xaashi in aan loo baahnayn wakhtigan muddo-kordhin, balse loo baahan yahay in la dhiso Xukuumad tiro kooban oo dalka doorasho gaadhsiisa, isla markaana dhaqaalaha faraha badan ee baxa Wasiirrada iyo La-taliyeyaasha tirada beelay wax loogu qabto Dadka Abaaruhu saameeyeen.
“Sababta Sicir-bararka Qaadkaa koow ka ah, maaha meelahan lagu warwareegayo, waxa ku xigaa waxa weeye Shaqaalaha dawladda, lacagtii ma qaadi karaan oo way badan tahay, waa la sarrifanayaan, Doollar baa lagu sarrifanayaa, Doollarkii baa suuqa loo galayaa, dabadeedna Doollarkii baa ka caya. Markaa, waxa badanaa kicinayaa waa Jaadka iyo Lacagta dawladda. Immika kolka Safar la tegayo ee Xukuumaddu meel u baxayso immisa Qof bay ku tagaan?” sidaa ayuu yidhi Maxamed Xaashi.
Waxaanu intaas ku daray; “Waxay isku raacaan tiro faro badan halkii laba saddex Qof ka tegi lahaayeen, intaasi Kharash bay u baahan tahay Doollar baa la sarrifayaa, markaa innagaa abuurna sicir-bararka Doollarka. Jaadka maxay siyaasad uga yeelan wayday dawladdu Malyuun iyo Siyaadaa maalin walba Itoobiya u tallaabee? Baananka qudhooda waxay ahayd in la oggolaado oo Baan horumarineed Dawladdu lahaato ayey ahayd oo Dadka Shaqo loogu abuuro oo lala macaamilo.”
Maxamed Xaashi oo ka hadlaya tallaabooyinka loo baahan yahay in wakhtigan la qaado, waxa uu yidhi; “Tallaabooyinka loo baahan yahay waxa weeyaan in lagu tashado sidii Dhalinyarada soo baxaysa Shaqo loogu abuuri lahaa, sidii waaynu haysanno loo hagaajin lahaa. Laakiin, caqligaasi meesha ma yaallo, sharci oo dhanna waa laga tallaabsaday. Immika muddo-kordhin baa la yidhi halloo sameeyo abaaraha awgood, markaa su’aasha ay tahay in la is-weydiiyaa waxa weeye; muddada loo kordhiyey Xukuumaddu Abaaraha maxay ka taraysaa? Kolkaa Anigu waxaan soo jeediyey bisha Maarso halla dhiso dawlad yar oo kooban oo kharashkan faraha badan halla dhimo.”
Sidoo kale, Maxamed Xaashi oo ka hadlaya Lacagta madhxi lahayd haddii Xukuumad kooban la dhiso, waxa uu yidhi; “Illaa Boqol iyo toddoba iyo Soddon Milyan baa ka seef-garoobi lahaa Dhaqaalaha baxa oo intaas oo intaas oo Wasiir, intaas oo La-taliye, intaas oo Shaqo-sugayaal iyo wax loogu yeedho iyo waxaynaan u baahnayn buu ku baxaa Kharashku. Markaa, waxay ahayd in Dawlad yar oo kooban inta la sameeyo, kharashka la dhimo, oo Boqol iyo toddoba iyo Soddon Milyan oo ku baxa waxaynaan u baahnayn haddii sannadkan oo qudha ku bixi lahaa waxaynaan in baahnayn la seef-gareeyo oo waxaynu u baahannahay la geliyo oo Biyo-xidheenno la sameeyo, oo Ceelashii la qodo oo Roobka loogu talo-galo wax. Laakiin, innaga oo sideennii u fadhina ayaa la odhanayaa muddada halla kordhiyo, Saleebaan iyo Cabdi-Waraabe-na waxay odhanayaan intaasaannu ku darnay, waxaasi caqli maaha, ee waynu jaho-wareersannahay, waxay ahayd in firkad la keeno oo wax la is-weydiiyo.”
“Immika Toddobaatan Wasiir 15 markaad ka soo qaaddo inay innagu filan yihiin, waxaa soo hadhaya 45 Wasiir oo aynaan u baahnayn, 45-kaa Lacagtoodu immisa Reer bay wax u qaban lahayd? Inta La-taliye ee magacaaban ee aan Madaxweynaha-ba arag ayaa farabadan, Qofka waxa la yidhaah-daa; ‘Maxaynu siinnaa?’ Talaa socota, ee maxaynu qabannaa ma jirto. haddii Dhalinyartan la yidhaahdo waar isu taga oo Mashaariic keensada Shaqo ayaa loogu abuuri lahaa, Cashuur baa laga qaadi lahaa, Dhaqaaluhuna kor buu u soo kici lahaa. Kolkaa haddii aan immika muddada la kordhin ee dawlad kooban la dhiso, waxaynu heli lahayn Boqol iyo Toddoba iyo Soddon Milyan oo la geliyo wax oo dhaqaaleheennana sare u soo qaadi lahayd, Dadkan baahanna wax loogu qaban lahaa.” Sidaa ayuu yidhi Maxamed Xaashi Cilmi.
Siyaasiga Maxamed Xaashi waxa la weydiiyey sababtii uu uga tegay Wasaaradda Maaliyadda oo uu ahaa Wasiirkii u horreeyey ee Maaliyadda Xukuumadda Siilaanyo, waxa uu ku jawaabay; “Anigu kamaba tegin (Wasaaradda Maaliyadda) ee waa la I eryey, marna ma codsan (ketegis). Waxaan wax ka bartay Wakhtigii Marxuum Cigaal, oo kolkii shuruudihii aannu galnay ka booday ee uu hawlo aan waday tobankii habeennimo Warqad ii soo qoray ee uu igu yidhi; ‘Hawlahaa jooji’ ayaan cadhooday oo aan is-casilay, u tag oo u macnee oo bal waxan aad waddo ka dhaadhici ayaa iseegtay. Kolkaa halkan ilbax baan ku noqdoo taa maan samayn.” Waxa uu Maxamed Xaashi ka digey Saldhig Millateri oo Imaaraadka Carabtu ku yeesho Berbera, kaas oo wadahadalkiisu weli u socdo labada dawladood ee Somaliland iyo Imaaraadka, ayuu ku tilmaamay inuu dhibaato nabadgelyo iyo cadaawad-ba u horseedi karo Somaliland.